Daafacii Mayalka Adkaa Ee Man United Ee Nemanja Vidic Oo Ugu Dambayn Shaaciyay Afarta Weeraryahan Ee Ugu Fiican Ee Uu Premier League Ku Wajahay.

Daafacii ahna kabtankii hore ee kooxda Manchester United ee Nemanja Vidic ayaa ugu dambayn soo xushay tiro afar weeraryahan ah oo ah kuwii ugu wanaagsanaa ee uu guud ahaan horyaalka Premier League ku wajahay.

Vidic ayaa la xasuustaa inuu in ka badan hal mar ku dhibtooday celinta weeraryahankii Liverpool ee Fernando Torres balse Torres oo dhawaan kubadda ka fadhiistay ayaa si layaab leh liiskan looga dhex waayay.

Taa bedelkeeda, Vidic ayaa xusay Peter Crouch oo Liverpool kala tirsanaa Torres kaas oo uu sheegay inuu la yaabanaa sida uu ku celin doono weeraryahan laba meter ah.

Sidoo kale halyeeyga Red Devils ayaa soo doortay Didier Drogba walow uu Drogba ku dhibanaa gaadhista shabaqa Man Unitedd, Si lamid ah Luis Suarez oo Liverpool wakhti fiican kusoo qaatay iyo Sergio Kun Aguero oo ilaa maanta difaacyada horyaalka dhibaato ku haya.

Vidic oo Crouch ka warramaya ayaa ugu horreyn yidhi “Khibradaydii ugu horreysay waxa ay ahayd Peter Crouch, Anigu waligay hore umaan arag ciyaartoy laba meter ah”.

“Isagu waxa uu u ciyaarayay Liverpool waxaananu kula ciyaaraynay Anfield kulan Cup ah, Waxaan ka fikirayay ‘Wow, Maxaan ninkan ka qaban karaa?”

Dhinaca kale Vidic ayaa Drogba ku amaanay erayada ah “Ciyaartoy aad u maskax badan kaas oo geli lahaa maskaxda daafacyada”.

Nemanja ayaa sidoo kale marka uu ka hadlayo Aguero ku daraya guuldarradii 4-1 ka ahayd ee ay Man City kala kulmeen 2013 oo uu ku sheegay kulankiisii ugu xumaa ee United halka uu Suarez ku amaanay dareenkiisa baahiyeed.