Daafaca Ree Brazil Iyo Kooxda Real Madrid Marcelo Oo Si Weyn Kaga Soo Horjeestay Arigtada Dhakhaatiirta Kooxda Los Blancos

Daafaca garabka bidix ee ree Brazil iyo kooxda Real Madrid Marcelo ayaa wuxuu maanta si weyn kaga yaabsaday waaxda caafimaadka kooxda Los Blancos iyo saaxiibadiisba, kadib markii uu maanta qeyb ka noqday qeyb ka mid ah tababarkii loogu diyaar garoobayay kulanka Real Sociedad ee habeen dambe Axada ee horyaalka La Liga.

“Marca” ayaa laga soo xiganayaa in 5 maalin kadib dhaawacii soo gaaray wuxuu sameeyay dhowr taabasho kubadeed ee ahaa tababarkii maanta, waxaana warbixin horey looga soo saaray dhaawaciisa lagu sheegay in mudo 3 Usbuuc uu garoomada ka maqnaan doono.

Arintan ayaa sabab loogaga dhigay inay tahay mid layaab badan in Marcelo uu kasoo muuqdo tababarkii maanta ee kooxda Los Blancos, xili dhakhaatiirta ay horey u sheegeen in Marcelo uu u baahan yahay mudo ku filan uu kaga soo kaban karo dhaawaca uu haatan qabo.

Tababaraha kooxda Real Madrid  Zinedine Zidane ayaa arintan ay u noqoneysaa war farxadeed waxaana la filayaa in xidigan ree Brazil uu dib u heli karo mudo ka gaaban xiligii loo mudeeyay inuu dib ugu soo laaban doono safka kooxda Los Blancos.

Comments

comments