Daafaca Muhiimada Weyn U Leh Barcelona Ee Samuel Umtiti Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Kooxdiisa & War Uu Kasoo Saaray Xaalada Dhaawaciisa Oo Farxad U Ah Blaugrana.

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa si weyn uga farxiyay jamaahiirta kooxdiisa ee sida weyn u dareemay booska uu ka maqan yahay kulamadii ugu dambeeyay xilli uu war wanaagsan uga sheegay halka ay marayso xaalada dhaawac kasoo kabasho ee uu ku jiro.

Umtiti ayaa ku dhaw inuu si buuxda ugu soo laabto kulamada kooxdiisa isaga oo markii hore doortay inuu halis is galiyo isla markaana uu tababar fudud qaato waxaana uu haatan u muuqdaa mid tababarka buuxa kusoo dhawaanaya.

El mensaje de Samuel Umtiti en Twitter

Xaqiiqda ayaa ah in soo laabashada ugu horeysa ee Umtiti ay dhici karto kulamada xiga ee caalamiga ah waxaana ay midaasi hubaanti ka dhigaysaa inuu kasoo muuqan doono kulanka muhiimka ah ee ay kooxdu la yeelan doonto Atletico Madrid.

Soo laabashada Samuel ayaa kasoo hormari karta xilliga la filayo waxaana xataa macquul ah inuu kooxda kasoo muuqdo kulanka Axada soo socota ay la yeelan doonaan kooxda Real Betis.

Daafaca ree France ayaa qayb ka ahaa kooxdii Barcelona ee dhawaan u safartay magaalada Milan si ay ula soo ciyaaraan Inter walow aan loo xulan xiddigaha ka qayb galayay kulankaas.

Umtiti ayaa kalsoonida uu ku qabo soo laabasho degdeg ah oo uu sameeyo ku muujiyay bartiisa Twitter-ka waxaana uu soo dhigay qoraal u yaalay sida tan “Hal talaabo ayaan ku dhawaaday soo laabashada”

Ugu dambayn, Tababare Ernesto Valverde ayaa haatan kooxda ku haysta kaliya laba daafac dhexe oo kala ah Clement Lenglet iyo Gerard Pique maadaama oo uu sidoo kale dhaawac qabo Thomas Vermaelen.