Daafaca Chelsea Andreas Christensen Oo Todoba Erey Ku Weeraray David Luiz Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Arsenal

Daafaca Chelsea Andreas Christensen ayaa u sheegay David Luiz “Ma jirjo ciyaaryahan ka weyn kooxda” ka dib markii xiddigii hore ee Blues uu shalay ku biiray Arsenal.

Xiddiga reer Brazil David Luiz ayaa heshiis 8 milyan ginni ah  ugu wareegay kooxda ka dhisan Waqooyiga London iyadoo ay ka mid aheyd heshiisyadii lama filaanka ahaa ee la dhameystiray maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Ingariiska.

Waxa uu sheegay in sababtii uu ugu wareegay kooxda ay xafiiltamaan Chelsea inay tahay inuu doonayay inuu koobab ku guuleysto – inkastoo Chelsea ay ku garaacday Arsenal koobka Europa League bishii May.

Laakiin daafaca reer Denmark oo 23 sanno jir ah ayaa u muuqday mid ka xun talaabadii uu qaaday David Luiz.

SIDOO KALE AKHRISO:  Waqtiga Uu Alexis Sanchez Tijaabada Caafimaadka Marayo Inter Milan Oo La Shaaciyay & Lambarka Uu Dalbaday

Waxa uu ku soo qoray bogiisa rasmiga ah ee Facebook: “Ma jiro ciyaaryahan ka weyn kooxda.”

 Andreas Christensen appeared to take a pop at David Luiz for signing for Arsenal

Christensen ayaa ka dib sawir isaga iyo 32 jirka David Luiz soo dhigay baraha bulshada.

Waxa ay u muuqataa in fariinta uu soo qoray Christensen in lagula taliyay inuu ka laabto iyadoo bogga Facebook ee Christensen uu haatan hawada ka maqan yahay.

David Luiz ayaa go’aansaday inuu ka tago Stamford Bridge ka dib markii uu tababare Frank Lampard u sheegay inuusan noqon doonin daafaca xulashada koowaad xilli ciyaareedkan.

Luiz ayaa u sheegay Arsenal.com: “Nolosheyda oo dhan, waxaan mar walba ku bilaabanayay xilli ciyaareedka iyadoo hamigeyga uu yahay inaan koobab ku guuleysto.

SIDOO KALE AKHRISO:  SAADAAL: Super Computer Oo Saadaaliyay Kulamada Furitaanka Premier League, Guardiola & City Oo Uu Naxdin Ku DILAY - Muxuu Ku Saadaaliyay Man United vs Chelsea?

“Madaama aan halkaan imid taasi isma bedeleyso – waxaan halkaan la imaanayaa anigoo taas maanka ku haya sababtoo ah waa waxa igu kalifay inaan halkaan u soo wareego.”