Daafaca Ay Manchester United Waxkasta U Samaynayso Ee Kalidou Koulibaly Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Mustaqbalkiisa & Haddii Uu Ka Farxiyay Red Devils.

Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly oo ah mid kamid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay suuqyadii kala iibsiga ee ugu dambeeyay ayaa ka hadlay wax ku saabsan mustaqbalkiisa iyadoo ay si gaar ah uga war sugayso Manchester United.

Koulibaly oo 27 sano jir ah ayaa si joogto ah loola xidhiidhiyaa inuu ka baxay Napoli oo uu sanadkii 2014 kaga soo biiray dhinaca kooxda Genk.

Haddaba, Daafaca ree Senegal ayaa sheegay inuusan isagu sheegi karin haddii uu kamid yahay daafacyada ugu fiican balse uu markasta waxa ugu fiican bixiyo isaga oo dhinaca kale farxad ka muujiyay kooxaha saxeexiisa doonaya.

Kalidou Koulibaly ayaa yidhi “Mustaqbalkayga miyaa? Ma ogi haddii aan kamid ah daafacyada ugu xoogan, Waxaan markasta isku dayaa inaan bixiyo waxayga ugu fiican”

“Tan iyo markii aan halkan imid, Waxaan markasta isku dayaa inaan Napoli la koro, Waxaan haystaa dhiiri-gelin badan oo aan kusoo socdo waxaanan doonayaa inaan sii wado samaynta midaas”

“Waan ku faraxsanahay inay kooxo badan isoo dalbadaan, Laakiin waxaan doonayaa inaan garoonka dhexdiisa ku muujiyo inaan heerka kuwa ugu waaweyn waxaanan rabaa inaan muujiyo mustaqbalka”

Man United ayaan kali ku ahayn rabitaanka Kalidou balse waxa sidoo kale dhinaceeda ka doonaysa Real Madrid oo wararka qaar sheegayeen inay 100 Milyan u diyaarsatay.