Curtis Jones Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Hadda Liverpool Ka Tirsan Ee Muhiimada Ugu Wayn Agtiisa Ku Leh.

Liverpool ayaa sanadihii ugu danbeeyay awooda saartay in ay ciyaartoyda da’yarta kooxdeeda hurumar ku sameeyaan waxaana sal u ah aaminaada Jurgen Klopp ee ciyaartoyda ka soo baxaya xarunta da’yarta Reds.

Curtis Jones waa mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarta ah ee Liverpool uga soo dhex baxay kooxda da’yarta isla markaana xili ciyaareedkan saamayn la taaban karo ku soo yeeshay kooxda kowaad gaarn ahaan kulamadii FA Cupka.

Curtis Jones ayaa shaaciyay labada xidig ee kooxda hadda ee Liverpool ka tirsan ee uu u mahad celiyo kuwaas oo isaga u ah kudayasho uu hiigsado.

Xidiga kowaad ee uu da’yarka Curtis Jones uga mahad celinayo horumarka uu kooxda kowaad ku dhex sameeyay waa James Milner kaas oo uu ku sifeeyay mid sii fahansanaa hibada uu da’yarkani leeyahay.

Xidiga labaad ee uu Curtis Jones hiigsadaa waa Trent Alexander-Arnold kaas oo uu ku tilmaamay in ay jiraan waxyaabo ay iskaga mid yihiin.

Curtis Jones oo ka hadlaya James Milner ayaa yidhi: “Waxaan markastaba sheegaa in James Milner uu aniga mid aad iigu wayn ahaa. Ugu horayn waxaan aniga oo 17 sano jir ah kooxda u raacay kulamadii xili ciyaareedka ka horeeyay, wuxuuna isagu markastaba ahaa midka aan garanayay in uu sii ogaa awooda aan lahaa, laakiin waxyaabaha kale shaqo ayay u baahnaayeen ee dhinaca difaacashadayda ee ciyaarta, boosishanka, iyo sida loo jawaabo marka aad kubbada lumiso”.

Da’yarka Curtis Jones oo James Milner u mahad celinaya ayaa yidhi: “Isagu markastaba waxa uu igu hogaamiyay dariiqa saxda ahaa, sidaa daraadeed taas waan uga mahad celinayaa”.

Intaas kadib waxa uu Curtis Jones soo qaatay xidiga labaad ee ku dayashada u ah wuxuuna yidhi: “Midka labaad oo aniga aad iigu wayni waa Trent Alexander-Arnold. Aas aas ahaan aniga ayuu ila mid yahay, isagu waa wiil magaalada u dhashay, waxa uu ka yimid taariikh caadi ah, waxaana waajib ku noqotay in uu aad u shaqeeyo si uu u helo booska uu hadda joogo”.

Curtis Jones oo ka sii hadlaya Trent Alexander-Arnold ayaa yidhi: “Waxaanu isaga ka wada nimid magaalo isku mid ah, waxaananu wada leenahay haaf isku mid ah oo ah in aanu kooxdan u wada ciyaarno, waxaananu doonaynaa in aanu waxyaabo la gaadhno oo aanu taageerayaasha dib wax ugu celino, sidaa daraadeed, Trent waa mid aad aniga iigu wayn”.

Waxaa la filayaa in Jurgen Klopp uu fursad badan siin doono ciyaartoyda da’yarta ah ee uu Curtis Jones ku jiro kulamada xili ciyaareedka ka hadhsan maadaama oo Liverpool ay 6 dhibcood oo kaliya uga baahan tahay 9 ka kulan ee u hadhsan.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook