“Cristiano Ronaldo Waa Midka Ugu Fiican Taariikhda Kubadda Cagta Real Madrid-na Kumay Guulaysateen Koobab Sidaa U Badan Isaga La’aantiis”

Wakiilka xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo lagu magacaabo Jorge Mendes ayaa markale si weyn u amaanay xiddiga uu wakiilka ka yahay isaga oo xusay inuu yahay midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Ronaldo ayaa markale dunida kubadda cagta xasuusiyay waxa uu yahay isaga oo saddexley goolal ah dhinaca kale ugu rogay guuldarradii kulankii hore kasoo gaadhay Atletico Madrid isla markaana wareega siddeed dhammaadka Champions League ka xaadiriyay Juve.

Mendes oo u warramayay wargeyska ree Talyaani ee ‘La Gazzetta dello Sport’ ayaa sheegay in xiddigiisu uu yahay mid ka baxsan xiddigaha dunidan kooxdii uu hore uga soo tirsanaa ee Real Madrid-na aysan isaga la’aantii kusoo guulaysateen koobab u badan sida kuwii ay dhawaan soo qaaday.

Wakiil Jorge ayaa yidhi “Isagu waa ciyaartoyga ugu fiican taariikhda kubadda cagta waana uu muujiyaa midaas, Isagu waa mid ka baxsan dunidan, Waxa uu ka sarre kacay England (Premier League), Waxa uu ahaa ciyaartoyga ugu fiican abid ee u ciyaara Real Madrid kuwaas oo aan wax sidaa u badan ku guuleysteen isaga la’aantiis”

“Ronaldo waxa uu ahaa ninka muhiimka ka ah afartii Champions League ee ugu dambeeyay waxaana uu qori doonaa Juve isaga oo caddaynaya saamaynta kubadda cagta”

Ronaldo ayaa hoggaanka horyaalka Serie A si weyn ugula raaxaysanaya haatan kooxdiisa Juventus oo wali guuldarro la’aan ah waxaana uu filanayaa inuu hanto markiisii ugu horreysay.