Cristiano Ronaldo Waa Midka Ugu Fiican Laakiin Gareth Bale Ayaa Ah Ciyaartoygii Ugu Adkaa Ee Aan Kahor Tago Waayahayga Ciyaareed!!.

Daafacii hore ee kooxda Manchester City ee Micah Richards ayaa ka hadlay aragtida ah ciyaartoygii ugu adkaa ee uu kahor tagay waayihiisa ciyaareed iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ciyaartoy badan oo xirfad wanaagsan wajahay.

Richards, Daafacii midig ee hore ee Sky Blues ayaa kahor tagay Cristiano Ronaldo wakhtigiisii Man United si lamid ah Gareth Bale wakhtigiisii Tottenham balse garabka ree Wales ayuu u arkaa midkii ugu adkaa ee uu isagu wajahay.

Ugu horreyn, Richards oo ka hadlaya Ronaldo ayaa sheegay in CR7 uu yahay midka ugu wanaagsan gaar ahaan wixii uu sanadkan usoo sameeyay Portugal isagoo dhinaca kale amaanay Messi iyo Van Dijk.

“Waxaan filayaa in Ronaldo uu yahay midka ugu wanaagsan sanadkan sababtoo ah waxa uu usoo sameeyay dalkiisu waxa uu ahaa mid cajiib ah” Ayuu Micah Richards u sheegay Goal.

“Isaga iyo Messi waa kuwo aan la rumaysan karin, Van Dijk sidoo kale waxa uu ahaa mid wanaagsan laakiin waxa ay Messi iyo Ronaldo samaynayaan waa wax cajiib ah”.

Dhinaca kale Richards oo ka faaloonaya Bale iyo sidii uu ugu adkaa ayaa yidhi “Aniga ahaan (Ciyaartoygii iigu adkaa waa Bale, Markii uu joogay Tottenham waxa uu ahaa ciyaartoy heer sarre ah walina wuu yahay, Aniga iyo isagu waxaanu gali jirnay dagaal hal ka hal ah”.