WARBIXIN:Cristiano Ronaldo Vs Lionel Messi- Loolanka Aan Dhamaadka Lahayn Iyo Ronaldo & Messi Oo Markale U Ordaya Rekoodh Cusub Oo Layaableh.

Labada xidig ee aduunka kubbada cagta ugu fiican ayaan wali ka daalin in ay ku tartamayaan rekoodho isla markaana ay taariikh u sii abuuraan kubbada cagta, waxaana markale jiri doona rekoodh khaas ah oo ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo isha ku hayaan mid ka hor gaadhi doona balse waxaa hubaal ah in haddii ay ku sii jiraan xaalada gool dhalineed ee ay soo wadeen in ay labaduba gaadhi doonaan rekoodhkan cajiibka ah.

Muddo toban sano ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa si buuxda u soo qabsaday kubbada cagta aduunka waxayna si joogto ah u soo ahaayeen labada xidig ee ugu soo qaab ciyaareedka joogtaynta badnaa taas oo ka dhigtay in ay cid kasta oo kala ka fiicnaadaan.

Heerka gool dhalintooda, go’aaminta waqtiyada muhiimka ah iyo ka saarista kooxahooda ee xaalado adag ayaa ka dhigtay kuwo inta badan iyaga laftooda si joogto ah laysku barbar dhigo. Laakiin markan Ronaldo iyo Messi ayaa isha ku haya mid ka hor gaadhi doona 50 saddexley ee waayhooda ciyaareed, taas oo noqon doonta mid layaableh inkasta oo ay haddaba ku dhaw yihiin.

Lionel Messi ayaa kulankii Ecuador ka dhaliyay goolasha saddexleyda loo yaqaan waxayna taasi keentay in uu dhaliyay saddexleydiisii 44 aad ee waayihiisa ciyaareed ee Argentina iyo Barcelona laakiin Ronaldo ayaa xidiga ree Argentina rekoodhkan kaga horeeya isaga oo soo dhaliyay 48 saddexley wuxuuna Ronaldo u baahan yahay laba saddexley oo akliya si uu u noqdo kan hor gaadha 50 saddexley ee waayihiisa ciyaareed.

Haddaba goorma ayay Ronaldo iyo Messi soo bilaabeen goolasha saddexleyda ah ee ay tirada laayabka leh ku soo dhaliyeen? waxaanu eegi doonaa mid kasta saddexleydiisii ugu horaysay ee heerka kooxeed iyo heerka caalami, kulamadii ay ka soo dhaliyeen iyo waliba xog la xidhiidha.

Saddexleyadii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ugu horeeyay ee heerka kooxeed:

Lionel Messi — Barcelona 3-3 Real Madrid,   10 March 2007

CristianoRonaldo — Manchester United 6-0 Newcastle, 12 January 2008 

Lionel Messi ayaa saddexleydiisii ugu horaysay ka dhaliyay kulanka heerka kooxeed ugu wayn ee El Clasico isaga oo markii uu da’yarka ahaa saddex gool ka dhaliyay Real Madrid kulankii la ciyaaray March 10,2007 kii, wuxuuna saddexleydiisii ugu horaysay ku calamaadsaday kulankii uu rekoodhka gool dhalintiisa ahysto isla markaana uu xusuusta badan ka haysto.

Cristiano Ronaldo ayaa saddexleydiisii ugu horaysay ee heerka kooxood sugayay in ka badan waqtigii ay Messi ku qaadatay wuxuuna saddexleydiisii ugu horaysay u dhaliyay Manchester United kulankii la ciyaaray January 12,2008 kii markaas oo ay Red Devils 6-0 ku gumaaday Newcastle United.

Saddexleyadii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ugu horeeyay ee heerka Caalami:

Lionel Messi — Switzerland 1-3 Argentina,    29 February 2012 

Cristiano Ronaldo — Northern Ireland 2-4 Portugal, 13 September 2013

Markale Lionel Messi ayaa dhigiisa Ronaldo kaga hor maray saddexleyda dhinaca kulamada caalami wuxuuna Messi saddex gool ka dhaliyay isla markaana guul ku hogaamiyay xulka qarankiisa Argentina kulankii February 2012 kii markaas oo ay Argentina 3-1 ku garaacday Switzerland waana saddexleydiisii ugu horaysay ee heerka caalami.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa markiisa saddexleydiisii ugu horaysay ee heerka caalami waxa uu xulka qarankiisa Portugal u dhaliyay September 13,2013 kii markaas oo ay Portugal 4-2 ku dubteen xulka qaranka Norther Ireland.Ronaldo ayaa markaas xulka qarankiisa Portugal u dhaliyay saddexleydiisii abid ugu horaysay.

Laakiin haddii uu Lionel Messi ku hormaray min saddexleydyada heerarka kooxood iyo heerka caalami Ronaldo ayaa dhexda ku dhaafay Messi wuxuuna ilaa hadda xidiga ree Portugal soo dhaliyay 48 saddexley taas oo la mid ah in Ronaldo uu 48 kulan soo dhaliyay 3 gool ama wax ka badan halka Messi uu 44 kulan uu soo dhaliyay 3 gool ama wax ka badan.

Hadda Ronaldo iyo Messi ayaa u tartamaya midka hor gaadhi doona 50 ka saddexley taas oo aan wax u sahlan noqon karin ciyaartoyda kale ee kubbada cagta balse ay hubaal tahay in labadan xidig ay gaadhi doonaan haddii ay taam sii ahaadaan waqtiga ay doonto ha ku qaadatee laakiin Ronaldo ayaa haddaba qarka u saaran in uu rekoodhkan gaadho inkasta oo heerka saddexleyda uu Messi xili ciyaareekan ku bilawday ay muujinayso in uu isna fursad haysto.