Cristiano Ronaldo Vs Lionel Messi- Kadib 7 Gool Ee Ay Ku Soo Lug Yeeshay Messi & Ronaldo, Isku Aadka Champions league Oo Ay Iskaga Hor Iman Karaan Iyo Xifltankooda Oo Haddaba Soo Laabtay.

Xili ciyaareedkan waxaa hoos u dhacay heerkii xifiltanka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kadib markii uu Ronado ka baxay horyaalka Spain ee uu ka hor xili ciyaareedkan ku biiray kooxda Juventus, laakiin qaabkii ay Ronaldo iyo Messi iskugu jawaabeen kulamadii Champions league ayaa muujisay in ay wali yihiin labada xidig ee aduunka ugu fiican.

Cristiano Ronaldo ayaa kulankii Aletico Madrid saddexley goolal ah ka dhaliyay wuxuuna markaas awooday in uu lugtiisa Juventus ugu soo saaray siddeed dhamaadka UEFA Champions League wuxuuna qabsaday saxaafada aduunka kadib markii uu dhinaca kale u dhigay guuldaradii 2-0 ka ahayd ee hore Juventus uga soo gaadhay Atletico Madrid.

Laakiin Lionel Messi ayaa si layaableh uga jawaabay hadal hayntii iyo saddexleydii uu Cristiano Ronaldo dhaliyay wuxuuna Messi markiisa awooday in uu Barcelona u soo saaray sidddeed dhamaadka UEFA Champons league isaga oo waliba afar gool ku soo lug yeeshay waana laba gool oo uu dhaliyay iyo laba gool caawin uu sameeyay.

In Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay 7 gool dhexdooda ka soo qayb qaateen labadii kulan ee Champions league ugu danbeeyay waxay si aan shaki ku jirin u muujinaysaa in ay wali yihiin labada xidig ee kubbada cagta aduunka ugu saamaynta badan.

Ma jiro ciyaartoy aan ahayn Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo oo sii joogtayn kara heerka gool dhalinta iyo saamaynta ay ciyaaraha ku leeyihiin, waxayna hadda u muuqdaan in ay soo ceshan doonaan abaal marinihii ka lumay sanadkii la soo dhaafay.

Haddaba miyay kubbada cagta aduunku heli doontaa xifilankii waalida ahaa ee Lionel Messi Vs Cristiano Ronaldo marka la samaynayo isku aadka siddeed dhamaadka UCL?

Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa xusuus badan isku soo lahaa xili ciyaareedyadii la soo dhaafay ee tartanka Champions league iyada oo min finalkii 2015 kii iyo waliba xili ciyaareedyadii ka danbeeyay ay labada kooxood ku soo xifiltameen UEFA Champions league.

Laakiin haddii ay xili ciyaareedkan isku aadaan Barcelona iyo Juventus, waxa uu noqon doonaa kulan markale iska hor keeni doona Messi iyo Ronaldo taas oo heer kale u qaadi doonta xifiltankoodii xili ciyaareedkan inta badan soo hurday.

Jimcaha barri ayaa la ogaan doonaa haddii Barcelona iyo Juventus ay isku aadki karaan oo ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo halkii ka sii wadi doonaan xifiltankoodii tobanka sanadood soo jiray.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan Champoins league ka soo dhaliyay 8 gool halka Cristiano Ronaldo uu 4 gool ka soo dhaliyay waxaana hadda la galay heerkii ugu adkaa ee tartanka Champions league.