Cristiano Ronaldo Oo Xalay Iska Baraajeeyay Rekoodh Uu Lixdii Bilood Ee Ugu Dambeeyay Kaga Dambeeyay Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay gegida Allianz Stadium ku muujiyay sababtii ay Juventus lacagaha badan uga soo bixisay saxeexiisa isla markaana ay u aamintay isaga oo dad badani u arkaan mid wakhtigiisii wacnaa dhammaaday.

Ronaldo ayaa noqday badbaadiyaha Bianconeri oo kulankii lugta hore ay Atletico Madrid 2-0 kaga soo adkaatay waxaana daqiiqadihii 27-aad, 49-aad iyo 86-aad dhaliyay sadddex gool oo ay ugu gudbeen wareega siddeed dhammaadka CL.

Guusha ayaa kaliya Ronaldo ula micno ahayn inuu kooxdiisa ka xaadiriray wareega xiga balse waxa uu sidoo kale iska soo baraajeeyay rekoodh uu bilihii ugu dambeeyay kaga horreeyay ninka ay kubadda cagta ku xifaaltamaan ee Lionel Messi.

Rekoodhkaas ayaa ah midka saddexleyda Champions League oo uu hore Messi u ahaa midka abid ugu sarreeya ee saddexley ka dhaliya tartanka isagoo lahaa siddeed saddexley balse waxa tiradaas la wadaaga hada CR7.

Messi ayaa Ronaldo ku dhaafay saddexleydii uu ka dhaliyay kooxda PSV kulankii Champions League ee xilli ciyaareedkan ay Camp Nou ku qaabileen bishii September.

Labadan xiddig oo dhinac kasta oo rekoodhada ah si weyn ugu loolama ayuu Ronaldo ku horreeyaa tirada saddexleyada guud ee tartamada oo dhan isaga oo leh 52 halka uu Messi leeyahay 50.