Home » Wararka Maanta » Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Ahaa In James Rodríguez Uu Iska Diiday Dalab 90 Milyan Ah Oo Ay Chelsea Ku Doonaysay Xidigan.

Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Ahaa In James Rodríguez Uu Iska Diiday Dalab 90 Milyan Ah Oo Ay Chelsea Ku Doonaysay Xidigan.




Cristiano Ronaldo ayaa sabab u ahaa in James Rodriguez uu iska diiday dalab 90 milyan o euros ahaa oo uu ka helay kooxda Antonio Conte ee Chelsea. Xidiga ree Colombia ayaa dhamaadkii finalkii koobka aduunka ee Club World Cupka si cadho leh u shaaciyay in ay jiraan dalabyo miiska u saaran oo uu go’aan kaga gaadhayo todoba maalmood waxaana hadda la ogaaday sababtii uu dalabkaas ku diiday iyo in uu badalay go’aankii uu kaga baxay Bernabeu.




Wargayska Confidencial Colombia ayaa warbixin khaas ah ku shaaciyay in Cristiano Ronaldo uu James ku qanciyay in aanu ka bixin Real Madrid isla markaana uu iska diido dalabkii 90 ka milyan ee euros ahaa ee ay Blues bishii December u dirtay Real Madrid. James ayaa markaas fasax ugu baxay dalkiisa Colombia  waxaana go’aankiisii badalay Ronaldo oo xidigan ku qanciyay in uu Los Blancos ku sii nagaado.

James Rodriguez ayaa saddex todobaad gudahood sheegay laba hadal oo aad u kala fog wuxuuna dhawaan cadeeyay in uu sii joogayo Real Madrid inkasta oo uu markale kursiga kaydka Madrid ku jiray inkasta oo uu fursad ka fiican sidii hore ka helay kooxda Zidane tan iyo markii uu cadhadiisa sida wayn banaanka u soo dhigay.

Chelsea ayaa u muuqatay in ay heshay saxiixa James Rodriguez kadib markii uu Conte dalab qaali ah ka gudbiyay xidigan laakiin saamaynta uu Ronaldo ku yeeshay James ayaa Blues u diiday in ay helaan adeega James Rodriguez. James ayaa dhawaan shir jaraa’id ku sheegay in uu bilaanayo sanad cusub iyo bilaabasho cusub isla markaana uu Madrid sii joogi doono.




Comments

comments

Mahamoud Batalaale
Mahamoud Batalaale