Cristiano Ronaldo Oo Maamulka Kooxdiisa Juventus U Ansixiyay Inay Si Deg Deg Ah Usoo Sameeyaan Saxeexa Xiddig Man United Ah Oo Aan Ahayn Paul Pogba.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo la aaminsan yahay inuu door ku leeyahay go’aanada ay Juventus xilli suuqa ciyaartoyda kula soo wareegayso ayaa lagu soo warramayaa inuu ansixiyay saxeexa xiddig Man United ah.

Xiddigaaas ayaa sida ay saxaafadu maanta qoreyso aan ahayn Paul Pogba oo ku laabashada Juventus si aad ah loola soo xidhiidhiyay maalmihii ugu dambeeyay balse waa weeraryahan Romelu Lukaku oo qudhiisu baxsad ka ah masraxa Riyada.

Toddobaadkan horraantiisii ayay soo baxeen wararka sheegaya in Juventus ay liiska kooxaha tartanka ugu jira Lukaku kusoo biirtay iyagoo cadaadis kala kulmaya Inter Milan oo ay Serie A ku xifaaltamaan.

Lukaku ayaa u muuqda mid aan marnaba diyaar u ahayn inuu xilli ciyaareed kale ku qaato Old Trafford kaddib markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegay inuu noqon doono mid ka dambeeya Marcus Rashford.

Si kastaba, Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Ronaldo uu kooxdiisa ogolaanso ugu muujiyay samaynta saxeexa 26 jirkii hore ee Everton.

Walow uu markasta Ronaldo saamayna xoogan leeyahay haddana tababaraha kooxdaas ee Maurizio Sarri ayaa la filayaa inuu markiisa ka fikiro saxeexa Lukaku iyo sida uu ula keeni doono falsafadiisa ciyaareed.

Wakiilka weeraryahankan ee Federico Pastorello ayaa la sheegay inuu wadahadalo haatanba kula jiro Juve iyo Napoli si lamid ah Inter ayaan meesha ka maqnayn.

Ugu dambayntii, Lacagta kaliya ee ay Red Devils kaga samri doonaan Lukaku ayaa ah £75 Milyan oo ah midii ay kula soo wareegeen laba xilli ciyaareed kahor.