Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ee Serie A Iyo Sida Abaal Marinta Kale Loo Kala Helay.

Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaal marinta xidigii sanadka ee horyaalka Talyaaniga Serie A ugu fiicnaa.

Ronaldo ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Serie A waxa uu Juventus kula guulaystay koobka horyaalka Serie A isaga oo waliba qaab ciyaareed fiican kala soo muuqday.

Cristiano Ronaldo ayaa sii watay in uu ku guulaysato abaal marinaha shaqsiga ah wuxuuna golihiisa koobabka iyo abaal marinaha uu ku daray abaal marinta xidiga xili ciyaareedka ee Serie A ugu fiican.

Kadib markii uu ka hor bilawgii xili ciyaareedkan uu si lama filaan ah ugu soo biiray Juventus, waxa uu hadda Ronaldo soo dhaliyay 21 gool halka uu soo sameeyay 8 gool caawin isaga oo saftay 30 kulan oo Serie A ah.

Ronaldo ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Italy waxa uu ku guulaysatay abaal marintiisii shaqsiga ahayd ee ugu horaysay isaga oo hantay abaal marinta Serie A Player of the Year award 2018/19.

Dhinaca kale difaaca ay kooxaha Yurub doonayaan ee  Kalidou Koulibaly oo ka tirsan Napoli ayaa loo doortay difaacii xili ciyaareedkan Serie A ugu fiicnaa.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Lazio ee Milinkovic-Savic ayaa isna ku guulaystay abaal marinta khadkii dhexe ee xili ciyaareedkan ugu fiicnaa horyaalka Serie A.

Goolhayaha kooxda Inter Milan ee Samir Handanović ayaa isna loo doortay goolhayihii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa horyaalka Talyaaniga ee serie A.

Fabio Quagliarella oo ka tirsan kooxda Sampdoria ayaa loo doortay gool dhaliyihii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa Serie A isaga oo 26 gool ku hogaaminaya gool dhalinta xili ciyaareedkan ee Serie A.

Da’yarka kooxda AS Roma ee Nicolo Zaniolo ayaa loo magacaabay da’yarkii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa horyaalka Serie A.