Cristiano Ronaldo Oo Kalsooni Weyn Ku Qaba Inuu Ku Laaban Doono Old Trafford Kulanka UCL Ee Man United, Maxay Tahay Sababta Kalsoonida Gelisay CR7?

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kalsooni weyn ku qaba inuu dib ugu laaban doono garoonkii uu waayaha quruxda badan kusoo qaatay ee Old Trafford marka ay kooxdiisu tartanka UEFA Champions League ku wajahayso Manchester United.

Kabtanka Portugal ayaa loo taagay kaadhkiisii casaa ee ugu horreeyay ee tartanka Champions League kulankii ay toddobaadkan guusha kasoo gaadheen kooxda Valencia kaddib markii uu u muuqday mid jiiday timaha daafaca Valencia ee Murrilo.

Casaanka uu Cristiano Ronaldo kulankan ka qaatay ayaa la filayaa inuu ku seego ugu yaraan kulankooda xiga ee Young Boys iyadoo xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ay fursad u heystaan inay ku kordhiyaan ganaaxa oo ay ugu daraan hal kulan iyo wax ka badan.

UEFA ayaa shalay oo khamiis ahayd si rasmi ah u furtay kiiska xiddigan balse gudida hawshiisa ku jirta ayaa sugi doona warbixinta kasoo gaadhay garsoore Felix Brych iyagoo isla markaas gaadhi doona go’aanka ay ganaaxa ugu kordhin karaan.

Haddaba Maxay Tahay Arrinta Kalsoonida Weyn Galinaysa CR7?

Haddiiba ay dhacdo in UEFA ay ganaax dheeraad ah ku kordhiyaan xiddigan ayay madaxda kooxdiisa Juve qaadi doonaan talaabo ay racfaan deg deg ah kaga qaadanayaan ganaaxan lagu soo rogay xiddigii ay 105 Milyan-ka kasoo bixiyeen suuqii xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaa la aaminsan yahay inuu aad u doonayo inuu ka qayb ahaado kooxdiisa marka ay ku laabanayso garoonkii uu wakhtiga dahabiga ah kula soo qaatay Manchester United ee Old Trafford si uu markale usoo arko jamaahiirtiisii hore.