Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Dhaliisha Loo Soo Jeediyay Real Madrid, Kadib Guuldaradii Kasoo Gaadhay Tottenham Ee Kulankii Xalay Ee Champions League-ga

Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la hadlay saxaafada, kadib guul daradii Wembley Stadium kaga soo gaadhay kooxda Tottenham kulankii ka tirsanaa kulamadii xalay ee tartanka Champions League.

Guuldaradan xalay soo gaadhay Los Blancos ayaa ka dhigeysa inay la kulantay guuldaradii labaad oo xidhiidh ah mudo seddex maalmood guduhood,  kadib kulankii La Liga ay Axadii kula soo ciyaareen kooxda ree Catalonia ee Girona oo iyana soo baday dharbaaxo xanuun badan oo taariikhi ah.

Hadaba kadib marka uu soo idlaaday kulankii Wembley Stadium ku dhax maray kooxaha Tottenham iyo Real Madrid ayuu Ronaldo la hadlay saxaafada wuxuuna yidhi: “Waa waqti aad u xun sababtoo ah waxaan u soo baranay inaan guuleysano, waxaan dooneynaa inaan bedelno xaaladdan waxaanan kalsooni ku qabaa in isbadal uu imaan doono, tani waa bilow oo kaliya, waxaan heysanaa waqti dheer si aan u hagaajino qaladaadkii inaga dhacay, waxaanan ku qanacsanahay inaan sidaas sameyn doono”.

Cristiano  ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: “Natiijada ma ahan mid ka tarjumeysa waxa dhacay garoonka dhexdiisa, waxaa jira waxyaabo aan la xakameyn karin, goolkii ugu horeeyay ee Tottenham ayaa ahaa mid garab dhaaf ah, si la mid ah waxay dhacday kulankii Girona. Balse kulankii aan la ciyaarnay Tottenham wuxuu ahaa mid isku dheeli tiran kaliya waxay ka faa’ideysteen fursadihii ay heleen, balse inagu maanan ka faa’ideysan”.

Mar wax laga weydiiyay xidiga ree Portugal in kooxdu ay soo wajahday xaalad natiijo xumi ayuu kaga jawaabay: “Ma garanayo waxa aad ula jeedo dhibaatooyinka, dadka si deg deg ah ayeey ku iloobaan Arimaha wanaagsan, ma filayo inaan ku jirno waqti xun, waxaan sidaa noqon karnaa marka aan lguuldareysano 4 kulan ama 5 kulan”.

Ronaldo ayaa sidoo kale jawaab kaga dhigay mar wax laga weydiiyay bal inuu saxiixi doono heshiis cusub wuxuuna yidhi: “Waxaan haystaa afar sano oo dheeraad ah, ma doonayo inaan sii wanaajiyo heshiiska aan halkan ku joogo, balse waxaa hubaal ah in haatan aan ku faraxsanahay nolosha aan kaga suganahay Real Madrid”.

 

 

Comments

comments