Cristiano Ronaldo Oo Ka Dalbanaya Maamulka Kooxda Real Madrid In Santiago Bernabéu Ay Kasoo Dajiyaan Mid Ka Mid Ah Xidigaha Barcelona.

Gool dhaliyaha ug sareeya taariikhda kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu xiiseenayaa in kooxda Los Blancos ay lasoo saxiixato xidig ku sugan safka Barcelona suuqa soo aadan ee furmi doono bisha January.

Wargeyska ree England ee “Daily Star” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu ku dareemay kali ahaanshaho safka kooxda  Real Madrid, kadib markii ay ka dhaqaaqeen xidigaha ree Portugal Pepe iyo Fábio Coentrao iyo sidoo kale kan ree Colombia Jamis Rodriguez, sidaas darteed wuxuu doonayaa in Santiago Bernabéu laga soo dajiyo xidig ku haboon xirashada maaliyada kooxda Real Madrid oo ay kasoo wadajeedaan dalka Portugal, sidaas darteed wuxuu u ololeenayaa in khadka dhexe kooxda cad cadka lagu soo daro xidiga Barcelona André Gomes.

André Gomes ayaa la ogsoon yahay in xidhiidh aad u wanaagsan uu kala dhexeeyo gool dhaliyaha ug sareeya taariikhda kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, marka ay tahay gudaha garoonka kulamada uu ciyaarayo xulka Portugal iyo banaanka intaba.

Laakiin wargeyska ayaa wuxuu intaa kusii daray hadalkiisa in xiisaha uu ka muujinayo Cristiano Ronaldo imaatinka André Gomes ee garoonka Santiago Bernabéu ay tahay waxaan suuragal noqon Karin, sababa la xidhiidha colaada xoogan ka dhaxeysa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, xitaa hadii uu qaab ciyaareedka laacibka ree Portugal uu yahay mid aan ku qanacsaneen Jamaahiirta kooxda ree Catalonia, waxaana la fahansan yahay inaysan si sahlan ku fasixi doonin.

Si kastaba mustaqbalka André Gomes ee kooxda Barcelona ayaa ah midaan fadhin, sababa la xidhiidha inuusan qaab ciyaareedkiisa ku qancin macalinka ree Spain ee Ernesto Valverde, waxaana suuragal ah inuu kaga baxo Cump Nou bisha January aduun dhan 20 million pounds.