Cristiano Ronaldo Oo Ka Cadhaysan Laba Ciyaartoy Kooxdiisa Madrid Ah Iyo Labada Xidig Ee Uu Doonayo In Lagu Badalo.

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaan ku faraxsanayn qaab ciyaareedka iyo hanaanka ay xili ciyaareedkan iskaga soo garab ciyaareen laba xidig oo ka mid ah shaxda uu Zidane kulamo badan ku soo ciyaaray taas oo qayb ka ahayd in Ronaldo aanu xili ciyaareedkan ku bilaaban qaab ciyaareedkii looga bartay, waxaana soo baxay war sheegaya in xidiga ree Portugal uu ka cadhaysan yahay laba xidig oo Madrid ay ka wada tirsan yihiin.

Laakiin sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa dareensan in hal xidig uu sabab u yahay hoos u dhaca kooxdiisa gaar ahaan kulamo gaar ah oo uu saftay. Sida uu wargayska Spain ka soo baxa ee Diario Gol sheegay, Ronaldo ayaa ka cadhaysan qaab ciyaareedka Isco iyo sida aanu u doonayn in uu ka garab ciyaaro.

Cristiano Ronaldo ayaan jeclayn in Isco uu kula soo bilawdo shaxda Los Blancos inkasta oo maqnaanshihii Gareth Bale ay Zidane sabab wayn ugu ahayd in Karim Benzema iyo Ronaldo uu si joogto ah weerarka ugu soo xulanayay isla markaana uu Isco soo dhigayay booska caawiyaha weerarka taas oo ah waxa aanu Ronaldo jeclayn.

Diario Gol ayaa sidoo kale sheegay in Ronaldo aanu ku faraxsanayn da’yarka difaaca midig uu Zidane ka ciyaarsiiyo ee Achraf Hakimi kaas oo uu u arko in uu samaynayn bandhigii looga baahnaa difaaca midig ee Madrid. Archraf ayaa kooxda kowaad si buuxda uga faa’iidaystay markii uu Carvajal xanuunka wadnaha ku maqnaa.

Laakiin wargayska Achraf Hakimi ayaa sidoo kale sheegay in Cristiano Ronaldo aanu ku faraxanayn qaab ciyaareedka Karim Benzema kaas oo fursado badan lumiyay kulankii Al Jasira ee Club World Cupka halka Gareth Bale oo badalka ka soo kacay uu taabashadii ugu horaysay gool ku dhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska Diario Gol  ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu doonayo in Marco Asensio uu noqdo badalka Isco maadaama oo da’yarka ree Spain ee Isco uu fursado badan u abuuro isla markaana uu khadka dhexe si orod badan uu kubbada uga soo jiido.

Zidane ayaa haddii uu Gareth Bale si buuxda u soo kabto dib u midayn doona BBC oo waqti badan garoonka ku kala maqnaa taas oo halis galin doonta booska Isco balse Ronaldo ayaa jeclaysan doona in Isco uu kaydka ku jiro oo uu Bale taam boqdo.

Real Madrid ayaa u soo baxday finalka koobka kooxaha aduunka kadib markii ay guul ay ku rafaaday ka gaadhay kooxda Abu Dabi ka dhisan ee Al Jazira oo gool kaga hormartay laakiin goolka babraraha oo uu Ronaldo dhaliyay ayaa Madrid ciyaarta dib ugu soo celiyay halka Gareth Bale uu ahaa xidiga guusha u horseeday Los Merengues.