Cristiano Ronaldo Oo Fariin Macasalaamayn Ah U Diray Macalinka Kooxdiisa Ka Baxaya Ee Massimiliano Allegri.

Cristiano Ronaldo ayaa fariin macasalaamayn ah baraha bulshada u mariyay macalinka kooxdiisa Juventus ka baxaya ee Massimiliano Allegri.

Juventus ayaa todobaadkan ku dhawaaqday in in Massimiliano Allegri  uu kooxda ka baxayo kadib dhamaadka labada kulan ee xili ciyaareedkan baaqiga uga ah.

Ronaldo ayaa macalinkiisa Massimiliano Allegri ku amaanay in in tababare kaliya oo fiican aanu ahayn balse uu sidoo kale nin fiican yahay.

Waxa uu Cristiano Ronaldo farxad ka muujiyay halka sano ee uu Juventus kula soo shaqeeyay Massimiliano Allegri  kaas oo horyaalkiisii shanaad ee Serie A u qaaday Juventus.

Fariinta uu uu Ronaldo u diray Maxi Allegri ayuu ku bilaabay: “Waad mahadsan tahay Mister!. Waxaynu wada jir u soo wada noolayn hal sano oo kaliya, laakiin khaas ayuu ahaa”.

“Sababtoo ah marka laga yimaado tababare fiican, adigu waxaad tahay nin fiican. Farxad ayay ii ahayd in aan adiga kula shaqeeyay” ayuu Ronaldo fariintiisa sii raaciyay.

Cristiano Ronaldo iyo ciyaartoyda kale ee Juventus ayaa fariimo macasalaamayn ah baraha bulshada u mariyay Maxi Allegri kaas oo waqtigiisii ugu danbeeyay ku qaadanaya Turin.

Laakiin maamulka Juventus oo go’aanka bixitaanka Maxi Allegri ku tilmaamay go’aankii ugu adkaa ayaa hadda suuqa ugu jira macalinkii kooxda hogaamin lahaa.

Juventus ayaa raadinaysa tababare kooxdeeda ka caawin kara ku guulaysiga koobka UEFA Champions League oo ay ku soo dhibtoonayeen sanadihii la soo dhaafay.