Cristiano Ronaldo Oo Doonaya Inuu Kooxdiisa Real Madrid Ka Hor Istaago In Santiago Bernabéu Ay Keento Xidigaha Robert Lewandowski Iyo Edinson Cavani.

Sida laga soo xiganayo “Diario Gol” Real Madrid waxay qorsheeneysaa lasoo saxiixashada weeraryahanka ree Uruguay iyo kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani, marka uu dib  u furmo suuqa soo aadan bisha January.

Los Blancos ayaa waxay raacdo xoogan ugu jirtay isda ay kaga faa’ideysan lahayd khilaafka xoogan ee soo kala dhax galay xidigaha kooxda PSG Neymar Jr iyo Edinson Cavani, si suuqa soo aadan ee Jenuary ay kaga gudbiyaan dalab rasmi ah ay laacibka Uruguay si ay u keenaan garoonka Santiago Bernabéu.

Laakiin sida ay wararku xaqiijinayaan laacibka ree Portugal Cristiano Ronaldo uu si weyn kaga soo hor jeedo qorshaha saraakiisha kooxda Real Madrid ay ku doonayaan saxiixa Edinson Cavani, wuxuuna doonayaa inuu ka hor tago in kooxdiisa ay u dhaqaaqdo saxiixa Cavani.

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ku dooday in xili ciyaareedyada soo aadan ee dhanka weerarka kooxda Los Blancos ay hogaamin karaan isaga iyo Karim Benzema, kaasoo haatan la maqan dhaawac kasoo gaadhay dhanka jilibka.

Si la mid ah laacibka ree Portugal ayaa si xoogan kaga soo hor jeeda in sidoo kale Robert Levandowski uu soo caga dhigto garoonka caalamiga ah Santiago Bernabéu.