Cristiano Ronaldo Oo Dhaawac Soo Gaadhay Ka Hor Bilaabashada Ciyaareedka Cusub Ee Serie A .

Cristiano Ronaldo ayaa seegay kulankii saaxiibtinimo ee ay kooxdiisa Juventus la ciyaartay  isla kooxda da’yarta Juventus B,  wuxuuna xidiga reer Portugal maalmaha soo socda ka shaqayn doonaa in uu ka soo kabsado dhaawaca soo gaadhay.

Dhaawaca Cristiano Ronaldo oo aan mid culus ahayn ayaa ku soo beegmaya waqti kooban ka hor maalinta si rasmi ah loo daah furi doono xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Serie A.

War saxaafadeed ay Juventus ka soo saartay xaalada Cristiano Ronaldo ayaa lagu xaqiijiyay in uu dhibaato ka dareemay muruqa lugtiisa bidix taas oo keentay in uu seegay kulankii ay kooxda kowaad caawa la ciyaartay kooxda da’yarta Juventus.

Juventus A iy Juventus B ayaa marar hore soo ciyaaray kulan saaxiibtinimo oo dhexdooda ah waxayna kooxda kowaad guul ku gaadhay 3-1 laakiin warka ugu wayn ayaa ahaa in Cristiano Ronaldo uu taam la’aan ku seegay.

Qoraalka Juventus ka soo saartay xaalada Ronaldo ayaa lagu yidhi: “Cristiano Ronaldo waxa uu maanta xaadir ku ahaan doonaa Villar Perosa laakiin kama qayb gali doono kulanka (Juventus A iyo Juventus B) sababtoo ah daal xad dhaaf ah oo uu ka dareemay muruqa lugtiisa bidix”.

Waxaana qoraalka Juventus lagu sii sheegay in maal maha soo socda uu Ronaldo uu shaqooyin xidhiidh ah samayn doono si uu xalaada xanuun uga soo kabsato waxaana qoraalka lagu yidhi: “Maalmaha soo socda, shaqooyin kala duwan ayaa qabsoomi doona,si dib loogu qaabeeyo isaga”.

Juventus ayaa difaacashada koobka horyaalka Serie A ka bilaaban doonta kulanka ay Parma wajihi doonaan August 24 waana waqtiga uu Ronaldo hiigsanayo in uu taam iskaga sii dhigo.