Cristiano Ronaldo Oo Bartiisa Instagram U Adeegsaday Inuu Kaga Jawaab Celiyo Wararka Dhawaan Soo Baxay Ee Ku Eedaynaya Fal Kufsi!!.

Weeraryahanka cusub ee kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa bartiisa Twitter-ka uga faa’ideystay inuu kaga falceliyo wararkii dhawaanahan soo baxayay ee sheegaya inuu fal kufsi geystay sanadkii 2009.

Sida daaha laga qaaday maalinimadii Jimcihii Cristiano Ronaldo ayaa fal kufsi u geystay gabadha lagu magacaabo Kathryn Mayorga oo 34 jir ah wakhti uu ku sugnaa Hudheel ku yaala magaalada Las Vegas sanadkii 2009.

Haddaba, CR7 ayaa jawaabta eedaymahaas ku bixiyay muuqaal uu si toos ah uga soo galay barta Instagram halkaas oo ay taageerayashisa bartaas ku xidhani ku weydiinayeen su’aalo kala duwan.

Ronaldo ayaa markii mid kamid ah jamaahiirtiisu uu wax ka weydiiyay falka kufsi sheegay inuu warkaasi yahay waxba kama jiraan isaga oo dadka wararkaas faafinaya ku sheegay kuwo doonaya inay magaciisa caan ku noqdaan.

Jawaabta kabtanka Portugal ayaana u taalay sida tan “Maya, Maya, Maya, Waxa ay maanta yidhaahdeen miyaa? Waa warar been abuur ah, Waxay doonayaan inay nafahooda kor ugu soo qaadaan magaceyga waa wax iska caadiya,”

“Waxay doonayaan inay caan ku noqdaan odhaanshaha magaceyga laakiin waa qeyb kamid ah shaqada, Anigu waan faraxsanahay si kasta”

Kathryn Mayorga ayaa sheegtay in falkaas kaddib uu Ronaldo jilbihiisa dhulka dhigay isla markaana uu u sheegay inuu 99% uu yahay nin wanaagsan balse 1% ka kale uu ku riday falkan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ronaldo uu goob aan maxkamad rasmi ah ahayn heshiis kula galay gabadhan isaga oo gacanta u geliyay £287,000 si ay falkan u qariso oo aysan dibada usoo dhigin.

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Anigo nasira waxy ila muqataa fhalkas u geesty cr7 ìinye wax un ka jiiran wayo sawiro aayo Kula jira gabdha
    Am fans him

Comments are closed.