Cristiano Ronaldo Oo Banaanka Soo Dhigay Sababta Uu Uga Fiican Yahay Lionel Messi Iyo Inuu Isaga Yahay Xiddiga Abid Ugu Fiican K/Cagta

Cristiano Ronaldo ayaa banaanka soo dhigay sababta uu isaga u yahay xiddiga abid ugu fiican kubada cagta oo uu ka horeeyo Lionel Messi.

Ronaldo iyo Messi ayaa loo arkaa labada xiddig ee abid ugu fiicnaa ee soo gala garoon kubada cagta ah.

Labada nin waxa ay jabiyeen inta badan rikooradii hortood la dhigya, waxaana uu mid walba ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or shan jeer.

Si kastaba, Ronaldo ayaa aaminsan inuu isaga wax badan qabsaday madaama uu guulo ku soo gaaray kooxo kala duwan.

Manchester United, Real Madrid iyo haatan Juventus, weeraryahanka ayaa ka dhex muuqday koox walba uu maaliyadeeda gashto.

Messi waxa uu ku negaaday Barcelona tan iyo makii uu kooxda Newell’s Old Boys ka soo wareegay sannadii 2001.

“Farqiga inoo dhaxeeya aniga iyo isaga waxaa weeye inaan aaday kooxo kala duwan oo aan kula soo guuleystay Champions League” ayuu Ronaldo u sheegay warbaahinta DAZN.

“Waxaan noqday gooldhaliyaha ugu sareeya Champions League lix jeer oo isku xigta.

“Waxaa jira ciyaartoy badan oo koobka ku guuleystay shan jeer. Aniga koobkaan waxa uu ii yahay tilmaamteyda.

“Messi waa xiddig aad u fiican, kaliya laguma xusuusan doono Ballon d’Or laakiin inuu meesha ugu sareysa joogay sannadba sannadka ku xigay sideyda oo kale.”

Ronaldo ayaa sidoo kale guulo la gaaray xulka dalkiisa Portugal oo uu la qaaday koobka Qaramada Yurub iyo weliba koobka UEFA Nations League oo ay hanteen xagaagan.

Laakiin Messi ayaa weli sugaya inuu koob weyn la qaado xulka qarankiisa Argentina.