Cristiano Ronaldo Mise Maurizio Sarri? Shaqsiga Aadka U Doonaya In Romelu Lukaku Uu Juventus Kusoo Biiro Oo La Ogaaday.

Waxa aan wali go’aan cad laga gaadhin mustaqbalka gool dhaliyaha kooxda Manchester United ee Romelu Lukaku kaas oo aad loola xidhiidhinayo kooxaha horyaalka Serie A ee Inter Milan iyo Juventus.

Lukaku ayaa laba xilli ciyaareed kusoo qaatay Manchester kaddib markii uu heshiis 75 Milyan ah ugaga soo wareegay dhinaca Everton balse waxa uu kusoo dhibtooday kooxda gaar ahaan xilli ciyaareedkii haatan dhammaaday.

Lukaku ayaa soo ciyaaray 46 kulan waxaana uu kaliya soo dhaliyay 15 gool taas oo keentay in jamaahiirta kooxdaasi ay kalsoonidii weeraryahanka koowaad ee kooxda kala noqdaan.

Saacadihii ugu dambeeyay ay si xawli ah ku socdaan wararka la xidhiidha xiddiga ree Belgium waxaana ay haatan xogta ugu badani sheegaysaa in Juventus ay tahay kooxda ku gacan sarreysa tartanka loogu jiro.

Juve ayaa doonaysa inay heshiis xiddigo is dhaafsi ku hesho Lukaku iyadoo dhinaca Man United u wareejinaysa Paulo Dybala oo xilli ciyaareedkii hore aan samayn qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu caanka ku ahaa.

Si kastaba, Haatan wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in xiddiga hoggaanka u ah kooxdaas ee Cristiano Ronaldo uu yahay midka dabada ka riixaya ee doonaya in kooxdu ay lasoo saxeexato Lukaku oo uu Dybala dhinaca kale u wareego.

Xaalada haatan taagan ayaa ah in Lukaku uu ka maqan yahay safka Man United kaddib markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer siiyay tiro maalmo kooban ah oo uu go’aan kama dambays ah kaga soo gaadho mustaqbalkiisa.

Lukaku ayaa hore u sheegay in horyaalka Talyaanigu uu isaga u noqon lahaa riyo u rumawday waxaana uu wakhtigaas si gaar ah u amaanay tababaraha Inter Milan ee Antonio Conte oo uu midka ugu fiican dunida ku sifeeyay.

Markii hore ayay waxkasta u muuqdeen in Lukaku uu kusii jeedo dhinaca Nerazurri balse arrinta ayaa haatan ka duwan sidaas waxaana loo badinayaa in uu la midoobi doono Ronaldo iyo tababare Maurizio Sarri.