Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Xiddiga Manchester City Ee Bernardo Silva Oo Tilmaamay Midka Uusan Doonayn Inuu Ku Wajaho Champions League.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Bernardo Silva ayaa xusay xiddiga uu doonayo inuusan ku wajihin tartanka Champions League labada xiddig ee ugu meeqaamka sarreeya kubadda cagta caalamka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Iyadoo Messi iyo Ronaldo ay labaduba soo dhalaaleen toddobaadkan isla markaana ay hoggaan ka ahaayeen guulaha ay kooxahuudu ku gaadheen wareega siddeed dhammaadka CL ayuu si lamid ah Bernardo Manchester City caawiyay.

City ayaa goolal wadar ahaan dhan 10-2 kusoo jiidhay Schalke 04, Kooxda Ronaldo ee Juventus ayaa 3-2 ku dhaaftay Atletico Madrid halka Barca ay 5-1 kaga guuleysatay Lyon.

Haddaba, Iyadoo ay sidaa tahay ayuu Silva sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka fogaado Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus oo uu ku sheegay kuwo halis badan leh.

Bernardo Silva ayaa yidhi “Anigu midaas (Inaan Ronaldo wajaho) aad uma jeclaysteen marka aan daacad noqdo, Anigu waan aqaanaa isaga, Anigu waan aqaanaa waxa uu awoodo waana uu sii horumariyay midaas markale”

“Marka aad ciyaarayso tartan sida Champions League oo kale ah waa inaad ogaato inaad ku beegmi karayso kooxaha sidan oo kale ah, Ciyaartoyda sidan oo kale ah”

“Waa wax wanaagsan waxa ay la micno tahay inaad ciyaarayso tartanka ugu fiican, Kulamada ugu fiican waanan ogaan doonaa cida aan wajahayno, Dabcan inaad la ciyaarto Ronaldo ama Messi waa mid markasta adag”