Virgil Van Dijk Oo Doortay Xiddigii Ugu Adkaa Ee Inta Badan Dhibay Ee Uu Wajaho.

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa doortay xiddigii ugu adkaa ee uu wajahay waayihiisa ciyaareed xilli uu wakhtiga uu ku sugnaa Anfield kahor tagay inta badan xiddigaha ugu wanaagsan dunida.

Virgil ayaa kahor tagay labada xiddig ee ugu wanaagsan jiilkan ee kala ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi balse waxa uu midkii ugu dhibka badnaa ee uu kahor tagay u doortay kabtanka Barcelona ee Messi.

Van Dijk ayaa wajahay Messi xilli ciyaareedkii hore iyadoo ay Liverpool guul taariikhda gashay oo soo laabasho ahayd kaga soo kabatay 3-0 lugtii hore looga soo guuleystay iyagoo guud ahaan 4-3 ku adkaaday sidaasna ku gaadhay Final-kii Champions League.

Messi ayaa wareega hore ee ay Barcelona 3-0 ku guuleysatay laba jeer shabaqa kasoo taabtay Reds waxaana kamid ahaa laad xor ah oo waali ah oo uu meel fog kasoo toogtay goolka.

Walow aysan guushaasi ka caawinin inay gaadhaan Final-kii CL oo ay wareegii dambe ku kufeen Anfield, Haddana bandhigii Camp Nou ee Leo ayaa ka dhigay mid hela aqoonsiga VVD oo u doortay xiddigii ugu adkaa ee uu wajahay.

Iyadoo su’aalo lagu waydiinayay 28 sano jirkan barta Twitter-ka ayuu taageere Liverpool ahi weydiiyay “Kumaa ahaa midkii ugu adkaa ee aad wajahday?”.

Intaas kaddib Virgil oo ka warcelinaya weydiinta shaqsigaas ayaa kusoo jawaabay “Waxa jira koox weeraryahano ah oo adag laakiin waa Leo Messi”.

Sidoo kale Van Dijk ayaa ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ka daafac ahaan raacdo ama calaamadsado garoonka dhexdiisa ku sifeeyay inuu yahay weeraryahanka Manchester City ee Sergio Kun Aguero.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook