Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Oo Halka Ugu Saraysa Ee Wax Qabadka Horyaalada Yurub Ugu Waa Wayn Qabsaday Iyo Abaal Marinihii Muhiimka Ahaa Oo Ay Soo Ceshan Karaan.

Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo ayaa xili ciyaareedkan cadho wayn ku bilawday kadib markii ay arkeen abaal marinihii shaqsiga ahaa ee labadooda u dhexeeyay oo uu markii ugu horaysay xidig kale ka dhex qaaday tobankii sanadood ee ugu danbeeyay iyada Luka Modric uu ahaa xidiga abaal marinihii muhiimka ahaa ku garaacay Messi iyo Ronaldo.

Laakiin haddaba waxaa socda ololaha ay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kaga soo kabsanayaan guuldarooyinkii abaal marinaha ee sanadkii la soo dhaafay waxayna haddaba halka ugu saraysa ka galeen wax qabadka shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn.

Cristaino  Ronaldo ayaa xalay dhaliyay goolkiisii 19 aad ee Serie A wuxuuna talaabo sare ugu qaaday in uu qayb muhiim ah ka noqdo xidigaha xili ciyaareedkan ugu goolasha badan horyaalada Yurub laakiin waxa uu sidoo kale soo sameeyay 8 gool caawin oo Serie A ah.

Cristiano Ronaldo ayaa ka soo qayb qaatay 27 gool oo Serie Ah taas oo muujinaysa muhiimada uu ku leeyahay in kooxdiisa Juventus ay si xarago leh u hogaaminayso horyaalka Talyaaniga laakiin waxa uu sidoo kale xalay dhaliyay goolkiisii 21 aad ee tartamada oo dhan.

Laakiin Lionel Messi ayaa wali woxogaa ka horeeya Cristiano Roanaldo iyada oo waliba Messi uu caawa safan doono kulanka horyaalka La Liga ee Real Valladolid kaas oo uu sare ugu sii qaadi karo gool dhalintiisa La Liga iyo tartamada oo dhan.

Messi ayaa 21 gool oo La Liga ah soo dhaliyay wuxuuna soo sameeyay 10 gool caawin taas oo la micno ah in haddaba 31 gool oo La Liga ah ku soo caawiyay kooxdiisa Barcelona si ay hogaanka La Liga u sii xejisato.

Laakiin Messi ayaa 29 gool ka soo dhaliyay tartamada oo dhan wuxuuna caawa u baahan yahay in uu hal gool ka dhaliyo kulanka Valladolid si uu u noqdo xidigii ugu horeeyay ee 30 gool u soo dhaliyay Barcelona intii lagu jiray 11 kii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay.

Laakiin waxay u muuqataa in Messi iyo Ronaldo ay haddaba ku soo laabanayaan heerkii gool dhalineed ee ay soo joogtaynayeen tobankii xili ciyaareed ee ay kubbada cagta soo haysteen waxayna dariiqa u saaran yihiin in ay soo ceshan karaan abaal marinihii sanadkii hore lagu garaacay.