Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi Waa Kuwa Ugu Fiican Laakiin Kuma Guuleysan Doonaan Ballon d’Or – Da’yarka Kylian Mbappe Oo Sheegay Sababta Ay Messi & CR7 U Qadi Doonaan Sanadkan.

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe oo shalay oo Khamiis ahayd u warramayay AFP ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay sanadkan seegi doonaan hanashada Ballon d’Or iyo waliba sababta ay uga qadayaan abaalmarintaas.

Kylian Mbappe ayaa wacdaro kasoo dhigay tartankii Koobka Aduunka isaga oo xulka France ka caawiyay inay 4-2 kaga qaadaan tartankaas xulka Croatia Koobkii ka qabsoomay dalka Ruushka.

Mbappe ayaa rekoodho door ah oo waaweyn kasoo sameeyay tartankaas sida inuu noqday da’yarkii labaad ee gool ka dhaliya Final-ka Koobka Aduunka kaddib Pelle iyo waliba in loo magacaabay da’yarkii ugu fiicnaa tartanka.

19 Jirkan ayaa sheegay in xiddigaha 10-kii Ballon d’Or ee u dambeeyay kusoo guuleystay ay wali yihiin kuwa dunida ugu fiican balse ay sanadkan seegi doonaan ku guuleysiga Ballon d’Or sababtoo ah in Koobka Aduunka la ciyaaray.

Kylian ayaa yidhi “Ma jiro qof haatan samaynaya si ka fiican. Mana odhan karno waa dhammaadka wakhtigoodii sababtoo ah waxa uu kaliya wakhtigoodu dhammaan doonaa marka qof sameeyo si ka fiican iyaga”

“Ma filayo in midkood ku guuleysan doono Ballon d’Or sababtoo ah waa sanad Koob Aduun, Koobka Aduunkuna waxa uu qaataa mudnaanta”

Hadalka Mbappe ayaa ah mid laga dhex akhrisan karo olole uu 19 jirkani ku doonayo in xiddigaha xulkiisa oo uu qayb ka yahay ay ku guuleystaan abaalmarintan dhawaan la bixin doono.