Cristiano Dybala! Ronaldo Iyo Pualo Dyabala Oo Samaystay Dabaal Deg Cusub Oo Cajiib Ah Kaas Oo Muujinaya Sida Ay Saaxiibo Dhaw U Noqdeen.

Wax shaki ahi kuma jiro in imaatinkii Cristiano Ronaldo ee Juventus uu saamayn toos ah ku yeeshay Paulo Dybala kaas oo markii hore ahaa ninka ugu muhiimsanaa ee kooxda Maxi Allegri laakiin haddana taasi may abuurin wax colaad ah oo dhex marta Ronaldo iyo Paulo Dybala.

Juventus ayaa horaantii xili ciyaareedkan lacag boqol milyan ka badan waxay si lama filaan ah ugula soo saxiixdeen Cristaino Ronaldo wuxuuna xidhiidh fiican la yeeshay xidiga ay hore saaxiibada u ahaayeen Lionel Messi ee Paulo Dybala kaas oo ay hadda samayseen dabaal deg cajiib ah.

Xili ciyaareedkan Paulo Dybala ayaan ku soo jirin gool dhalintii looga bartay isaga oo laba gool oo kaliya soo dhaliyay 20 kulan oo horyaalka Serie A ah laakiin kulankii ugu danbeeyay ee xalay ay Juventus guusha wayn ka gaadhay kooxda Fronsinone ayuu gool qurux badan ka dhaliyay inkasta oo xili ciyaareedkii hore 22 gool ka soo dhaliyay Serie A.

Paulo Dybala ayaa tartamada oo dhan 7 gool kaga soo dhaliyay 28 kulan  laakiin waxa uu hadda dhaliyay goolkiisii 8 aad ee tartamada oo dhan iyo goolkiisii saddexaad ee horyaalka laakiin waxaa goolkan qabsaday dabaal degii uu sameeyay oo lagu xidhay dabaal degii ka horeeyay ee Ronaldo uu sameeyay.

Cristaino Ronaldo ayaa caawin u sameeyay Paulo Dybala isaga oo goolhayaha kooxda Frosinone ee Marco Sportiello ku hor siiyay fursada uu goolkan ku dhaliyay wuxuuna kadib Dybala u dabaal degay qaabkii caanka ahaa ee Cristaino Roanldo halka uu Ronaldo hore ugu dabaal degay qaabka uu Dybala caanka ku yahay.

Jamaahiirta kooxda Juventus ayay farxad gaar ah u ahayd markii ay arkeen Pualo Dybala iyo Cristiano Ronaldo oo uu midba kan kale qaabkiisii caanka ahaa kula dabaal degayo markii uu goolka dhaliyay iyada oo Ronaldo uu axadii kulankii Sassuolo uu qaabka Dybala u dabaal degay.

Cristaino Ronaldo iyo Pualo Dybala ayaa saaxiibtinimo fiican abuurtay iyada oo laga shaki sanaa in ay isku fahmi waayaan weerarka kooxda Juventus laakiin hadda waxaa si cad u muuqatay in ay fikradii hore beeniyeen.