Crisitano Ronaldo Oo U Duulay Magaalada Paris Halkaas Oo La Filayo In Uu Markii Shanaad Ku Gudoomi Doono Abaal Marinta Ballon D’Or, Hooyadii Iyo Wakiilkiisa Jorge Mendes Oo Safarka Qayb Ka Ah.

Majalada France Footbaal ayaa caawa bixinaysa abaal marinta Ballon d’Or ee xidiga aduunka ugu fiican waxaana haddba abaal marintan si wayn loogu sii saadaalinayaa in Cristiano Ronaldo uu markii shanaad ku guulaysan doono isla markaana uu barbarayn doono rekoodhka uu Lionel Messi uu abaal marintan ku haysto. Cristiano Ronaldo, hooyadii iyo wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa ka mid ah dadka xafladan xidiga ree Portugal kala qayb gali doona.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo haddaba barbaro ku ah ku guulaysiga kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub oo uu mid kastaaba haysto afar jeer oo ay rekoodh iyaga gooni u ah ayaa markale wadaagi kara min shan Ballon d’Or haddii sida la saadaalinayo uu Ronaldo caawa ku guulaysato abaal marintan.

Cristiano Ronaldo ayaa bartiisa twitterka hadda soo dhigay sawirka sawirka sare oo uu ku xusay in uu si stayl ah ugu duulayo Paris. Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa in uu haddaba ogyahay in uu markii shanaad ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or iyada oo wargayska Marca uu si cad u sheegay in Ronaldo uu barbareeyay rekoodhkii uu Messi abaal marintan ku haystay.

France Football ayaa waqtiyada dhaw laga sugayaa in ay shaacin doonaan kaalmaha ay kala galeen 30 kii ciyaartoy ee ku soo baxay musharixiinta abaal marinta Ballon d’Or iyada oo si ka duwan sanadkii hore ay France Football xaflad u samayn doonto bixinta abaal marinta Ballon d’Or.

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Maria Dolores ayaa iyaduna haddaba u safartay caasimada Paris iyada oo ka qayb gali doonta xaflada uu wiilkeeda Ronaldo ku rajaynayo in uu taalada  Effel Tower ku hoos gudoomi doono abaal marintiisii shanaad ee Ballon d’Or.

Shabakada Gool24.net ayaa idinla socod siin doonta insha Aallah kaalmaha ay 30 ka ciyaartoy ee liiska Ballon d’Or ku tartamayay ay kala gali doonaan, iyo waliba xidiga abaal marintan ku guulaysta si la mid ah xogta abaal marintan isla marka la shaaciyay liiska.