“Cristiano Ronaldo Wax Badan Oo Xirfadiisa Ah Ayuu Aniga Iga Bartay, Isaguba Wuu Ogyahay” – Xiddig Ay Man United Kasoo Wada Ciyaareen CR7 Oo Kaftan Hawada U Mariyay.

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ee Luis Nani ayaa saaxiibkiisii hore ee kooxdaas ahna ninka ay xulka Portugal mudada kusoo wada-jireen ee Cristiano Ronaldo ku daray shaxdiisa shan geesoodka ah sidoo kalena kaftan hawada u mariyay.

Nani ayaa muuqaal uu kusoo duubay barta horyaalka Maraykanka ee MLS uu ku leeyahay Instagram ku sheegay shaxdiisa riyada ee shan geesoodka ah isagoo kusoo daray saddex ciyaartoy oo ay qolka labiska Man United soo wadaageen.

Image result for Ronaldo and Nani Man United

Nani ayaa booska goolhayaha u doortay David De Gea oo ilaa maanta ah goolhayaha dookha koowaad ee United si lamid ah Paul Scholes iyo Cristiano Ronaldo halka uu sidoo kale soo xushay Bruno Alves iyo Deco oo ay Portugal qayb kasoo wada ahaayeen.

Iyadoo ay Ronaldo iyo Nani isku wado mareen bilawgii waayahooda isla markaana ay ka wada dhaqaaqeen Sporting Lisbon si ay ugu wareegaan Old Trafford ayuu Nani ku kaftamay in wakhtigii ay da’yarta ahaayeen uu wax badan baray Ronaldo.

“Cristiano Ronaldo marka la eego dhammaan xirfadan oo dhan, Lugtiisaas xawaaraha badan, Isagu wax badan ayuu aniga igaga bartay da’yaraantii, Isagu wuu garanayaa, Isagu wuu ogyahay” Ayuu yidhi Nani.

Dhinaca kale Nani oo ka hadlaya xulashada De Gea iyo Scholes ayaa yidhi “David De Gea ayaan u dooranayaa goolka, Ciyaartoy aad u wanaagsan iyo mid kamida kuwa ugu wanaagsan dunida, Paul Scholes waxa uu lahaa xakamayn weyn (Oo kubadda ah) iyo aragti weyn”