Coutinho, Cavani, Silva Iyo Xiddigaha Kale Ee Seegay Inay Ku Soo Baxaan Liiska 55-ka Mushaharax Ee Abaalmarinta Kooxda Sannadka 2019 Ee FIFPro World XI

Waxaa la magacaabay 55-ka xiddig ee u sharaxan abaalmarinta kooxda sannadka 2019 ee FIFPro World XI iyadoo ay ka soo muuqdeen xiddigo dhowr ah oo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Marka laga soo tago xiddigihii mar walba ka soo muuqan jiray liiska musharaxiinta waxaa sannadkan ku cusub xiddigaha kala ah:

Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold, Andy Robertson, Roberto Firmino, Alex Sandro, Arthur Melo, Aymeric Laporte, Bernardo Silva, Christian Eriksen, Dusan Tadic, Ederson, Frenkie de Jong, Son Heung-min, Joao Cancelo, Kalidou Koulibaly, Matthijs de Ligt and Raheem Sterling.

Dhanka kale waa sannadkii 15aad ee ay liiska musharaxiinta uu ka soo muuqdo Cristiano Ronaldo.

Gianluigi Buffon ayaa si kastaba ka maqan markii ugu horeysay muddo 15 sannadood ah. Waxaa isna ka maqan Andres Iniesta oo ka soo muuqday liiska musharaxiinta 12kii sannadood ee ugu danbeysay.

Xiddigaha kale ee seegay sannadkan in lagu soo darro liiska musharaxiinta waxay kala yihiin: Edinson Cavani, Thibaut Courtois, Philippe Coutinho, Paulo Dybala, Mats Hummels, Isco, Dejan Lovren, Romelu Lukaku, Mario Mandzukic, Nemanja Matic, Yerry Mina, Keylor Navas, Benjamin Pavard, David Silva, Kieran Trippier, Samuel Umtiti iyo Sime Vrsaljko.

Sidoo kale taariikh ayaa la dhigay iyadoo Son Heung-min uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee qaarada Aasiya ka soo jeeda ee ka mid noqdo musharaxiinta kooxda sannadka.

Halka Christian Eriksen iyo Andy Robertson ay noqdeen xiddigihii ugu horeeyay ee Denmark iyo Scotland ee ka soo muuqda liiska mushaharaxiinta.