CODDAYN: Jamaahiirta Man United Oo Cod Ku Go’aamiyay Weeraryahanka Ay Doonayaan Inuu Hoggaamiyo Kooxdood Kulanka Xoogan Ee Liverpool – Martial, Rashford Mise Greenwood?

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa coddayn laga qaaday ku go’aamiyay weeraryahanka ay doonayaan inuu hoggaanka u noqdo weerarka kooxdooda kulanka xoogan ee ay dhawaan la yeelan doonaan dhigooda Liverpool.

Kulankaas ayaa kusoo aadaya xilli uu farqi weyn oo dhinaca dhibcaha ahi u dhaxeeyaan labada kooxood, Liverpool ayaa hoggaanka u haysa Premier League kaddib siddeed kulan siddeed guulood halka United ay booska 12-aad ee kala sarreynta fadhido.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu wargeyska Manchester Evening News haatan coddayn ka qaaday jamaahiirta Man United iyaga oo weydiiyay weeraryahanka ay doonayaan inuu kooxdooda hoggaamiyo kulankaas haddii uu Anthony Martial dhaawaca kasoo kabto.

Kaddib cod laga ururiyay 4,286 qof, 89% jamaahiirta coddeeyay ayaa doortay Martial taas oo si cad u muujinaysa sida ay u doonayaan inuu kulankaas diyaar u noqdo.

Dhinaca kale waxa booska labaad si lama filaan ah 7% ugu soo galay Mason Greenwood halka Marcus Rashford oo ay jamaahiirtu ka aamin baxeen uu helay 3% iyadoo 1% kale ay doorteen in cid kale booskaas la galiyo.

Martial ayaa dhaawacmay kulankii labaad ee horyaalka oo ay bar-bardhac min 1 gool ah lasoo galeen Wolves, Xiddiga ree France ayaa shabaqa soo taabtay kulankaas iyo midkii ka horreeyay ee Chelsea labadaba.