CODAYN: Kooxdii Ugu Fiicnayd Abid Horyaalka Premier League Oo Cod Lagu Doortay – Midkee La Doortay Liverpool, Man United, Man City & Arsenal?

Advertisements

Kaddib markii ay guuleysatay 21 ka mid ah 22kii ciyaarood ee xili ciyaareedkan Premier league, Liverpool waxay isku qortay taariikhda waddanka Ingiriiska waxaanay kaalinta koowaad kaga soo baxday naadigii ugu wanaagsanaa taariikhda.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa 16 dhibcood ka horreysa Manchester City oo kusoo xigta, waxaanay baaqi u haysataa hal ciyaar oo ay kooxaha kale dheeleen, waxaanay ka dhigi kartaa hoggaanka 19 dhibcood oo nadiif ah, taasina waxay Reds meel u dhigaysaa diiwaanka ah inay noqon karto kooxda farqigii dhibcaha ee ugu badnaa ku qaadda horyaalka Premier League.

Horyaalka Premier League oo ay waqti horeba ku guuleysato, waxa Liverpool ay raacsan kartaa dhibcihii ugu badnaa ee lagu qaaday iyadoo heli karta 112 dhibcood haddii ay wada badiso kulamada u hadhay, laakiin rikoodhka taariikhiga ah ee ay Arsenal haysato ee ah in aan 49 ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka ah laga badinin xili ciyaareedkii 2003/04, waxa uu noqon doonaa mid ay soo qabato bisha April bilowgeeda iyo sidoo kale rikoodhkii 100-ka dhibcood eee Premier League ay u dhigtay Manchester City.

Dhinaca kale, Reds waxay ku riyoonaysaa inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee hal mar ku wada guuleysata saddexleyda koobabka ah ee FA Cup, Champions League iyo Carabao Cup, waxaana ugu dambaysay Manchester United oo xili ciyaareedkii 1998/99 wada hantiday dhamaan koobabkii ay u tartantay.

Codayn uu qaaday telefishanka Sky Sports oo loo bandhigay 7.1 milyan oo kaga xidhan baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka ayaa waxa lagu doortay kooxdii ugu wanaagsanayd horyaalka Premier League abid, waxaana loo doortay Liverpool oo la tilmaamo in waxa ay ka samaynayo Ingiriiska gudihiisu ay yihiin wax aanay cidina hore usii qiyaasi karin.

Codayntan oo ay ka qayb-galeen in ka badan 300,000 qof, waxa kaalinta koowaad kaga soo baxday Liverpool oo aftida ku garaacday Manchester United, Manchester City iyo Arsenal.

Kooxdii Sir Alex Ferguson ee saddexlayda koobabka ah ku guuleysatay 1998/99 ayey dad badan codadkooda siiyeen, hase yeeshee waxa ka sare martay kooxda hadda ee Liverpool oo farqi aan badnayn uu u dhexeeyey, waxaana saddexaad soo gashay Arsenal oo iyadoo aan hal mar laga badinin 2003/04 ku guuleysatay Premier League.

Manchester City oo xili ciyaareedkii 2017/18 ku guuleysatay ku qaadday horyaalka 19 dhibcood oo nadiif ah, afar jeer oo kaliyana barbarro gashay, labana laga adkaaday, ayaa soo gashay kaalinta afraad.

Natiijadii codayntuna waa sidan:

 

Advertisements