CODAYN: Kahor Kulanka Manchester Derby Ee Toddobaadkan, Tababarahee Xiddigo Fiican U Keenay Kooxdiisa, Jose Mourinho Mise Pep Guardiola? Arag Oo Qiimee.

Tababarayasha kala ah Jose Mourinho iyo Pep Guardiola oo ah tababarayasha kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa ah shaqsiyaad mudo dheer kusoo xifaaltamayay saaxada ugu sarreysa ee kubadda cagta waxaana ay markale is haleeli doonaan toddobaadkan kulan xiiso badan.

Labadan tababare ayaa ku kulamaya gegida Etihad Stadium oo ah halkii ay Man United guusha soo laabshada ah ku gaadhay xilli ciyaareedkii hore waxaana haatan markale horyaalka hoggaanka u haysa City halka United oo xilli ciyaareedkii hore booska labaad fadhiday ay aad uga hoosayso.

Mulkiilasha Man United iyo City ayaa ah kuwo aysan maalgalintu ku yaran mudada ay labadan tababare joogaan kooxahooda maadaama oo ay saxeexyo badan oo qaali ah sameeyaan.

Haddaba, Kahor kulanka kooxahani ay yeelan doonaan waxaan halkan ku xusi doonaa dhammaan saxeexyada uu tababare kasta u sameeyay kooxdiisa tan iyo markii ay wada yimaadeen xagaagii 2016 markaas oo tababare kasta xiddigo kala duwan kooxdiisa kusoo qalabeeyay.

Liiska Ciyaartoyda Ay Mourinho Iyo Guardiola La Soo Saxiixdeen Oo Dhamaystiran:

Saxeexyada Jose Mourinho Ee Man United

Zlatan Ibrahimovic (Manchester United)

Nemanja Matic (Manchester United)

Paul Pogba (Manchester United)

Diogo Dalot (Manchester United)

Eric Bailly (Manchester United)

Romelu Lukaku (Manchester United)

Fred (Manchester United)

Lee Grant (Manchester United)

Victor Lindelof (Manchester United)

Henrikh Mkhitaryan (Manchester United)

Alexis Sanchez (Manchester United)

Saxeexyada Pep Guardiola Ee Man City

Riyad Mahrez (Manchester City)

John Stones (Manchester City)

Gabriel Jesus (Manchester City)

Aymeric Laporte (Manchester City)

Benjamin Mendy (Manchester City)

Bernardo Silva (Manchester City)

Kyle Walker (Manchester City)

Ederson (Manchester City)

Leroy Sane (Manchester City)

Claudio Bravo (Manchester City)

Nolito (Manchester City)

Danilo (Manchester City)

Oleksandr Zinchenko (Manchester City)

Ilkay Gundogan (Manchester City)

Haddaba akhriste ka qayb qaado codaynta kala go’aaminta Guardiola iyo Mourinho ee midka xidigaha ugu fiican ee lagu faa’iiday u keenay kooxdiisa adiga oo halkan hoose ka codayn kara adiga oo dooranaya sawirka tababaraha aad u aragto in uu kooxdiisa xidigo fiican u keenay.

Mourinho iyo Guardiola ayaa kulanka Manchester Derby iskaga hor iman doona iyaga oo kaalmo aan isku dhawayn isku jira isla markaana ay Manchester City tahay kooxda hogaaminaysa horyaalka Premier league.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Dabcan Jose Mourinho ayaa sameeyay saxeexyo wanaagsan laakiin dhibaatada haysata ayaa ah in United ay marka hore xidivo tayo leh aysan joogin

Comments are closed.