Ciyaartoydii Fashilantay, Kuwii Isku Muujiyay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Man City & Newcastle Ee Kulankii City Dhibcaha Lumisay.

Advertisements

Manchester City ayaa ku qasbaneyd inay badiso kulankii maanta laakiin kooxda Pep Guardioa ayaa fursad iska qasaarisay, waxayna halis ugu jiraan inay 11 dhibcood ka dib maraan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool haddii ay badiyaan kulanka ay la ciyaarayaan Brighton.

Sky Blues waxay la dhibtooneysaa difaacasho xumo, shaqo kasta oo fiican oo ay soo qabtaan xiddigaha weerarka iyo kuwa khadka dhexe waxaa baabi’iya ciyaartoyda daafaca oo isfaham weyn uusan ka dhaxeynin.

Sterling ayaa hogaanka u dhiibay City laakiin Willems ayaa u barbareeyay Newcastle ka hor inta uusan gool cajiib ah hogaanka ugu dhiibin mar kale Kevin de Bruyne laakiin waxaa goolkaas isna kansalay xiddigii hore ee Liverpool Jonjo Shelvey.

Xiddiga Garoonka – Jetro Willems (Newcastle)

Daafaca garabka ka ciyaara ayaa soo jiidanaya taageerayaasha Newcastle isagoo gool fiican ugu barbareeyay kooxdiisa qeybtii hore. Marka laga soo tago goolkiisa waxa uu sidoo kale shaqo fiican ka qabtay dhanka daafaca isagoo kooxdiisa badbaadiyay dhowr jeer.

Advertisements

Xiddigaha Fashilmay

Sida aan kor ku soo xusnay xiddigaha daafaca Manchester City ayay mashaqo heysataa, John Stones weli qaladkiisa ma dhamaanin, waxaana uu iska ilaaway inuu raacday Willems markii uu dhalinayay goolka barbaraha, halka Fernandinho uu qalad laga maarmay uu galay taasoo keentay barbarihii uu dhaliyay Jonjo Shelver.

Mendy isagana ma soo bandhigin qaab ciyaareed loo riyaaqay si la mid ah Riyad Mahrez iyo Gabriel Jesus.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Newcastle: Dubravka 8, Manquillo 7, Dummett 7, Fernandez 8, Clark 7, Willems 8, Shelvey 8, Hayden 7, Almiron 7, Joelinton 6, Saint-Maximin 7

Bedel: Gayle N/A, Atsu 5.

Man City: Ederson 6, Mendy 5, Stones 5, Fernandinho 5, Walker 6, Gundogan 6, De Bruyne 7, David Silva 6, Mahrez 5, Sterling 7, Jesus 5.

Bedel: Rodrigo N/A, Bernardo Silva 5, Foden 5.

Advertisements