Ciyaartoyda Liverpool Oo Barri Ku Soo Laabanaya Xurunta Tababarka Melwood, Tirada Xidigaha Soo Laabanaya Iyo Kuwa Wali Sii Maqnaan Doona.

Kooxda Liverpool ayaa barri oo sabti ah dib ugu soo laaban doonta xarunta tababarka kooxdeeda ee Melwood waxayna Jurgen Klopp iyo xidigaha kooxdiisu haystaan maanta oo jimce ah in ay fasaxooda xagaaga ku soo gaba gabeeyaan.

Waxaa jira 16 ciyaartoy oo barri oo sabti ah ka soo xaadiri doona xarunta tababarka ee Melwood halka xidigo kale oo ku mashquulsan koobka qaramada Afrika iyo Copa America ayna fursad u heli doonin in ay xili hore bilawdaan tababarka xili ciyaareedka cusub loogu diyaar garoobayo.

Barri oo sabti ah waxay noqon doontaa maalintii ugu horaysay ee ay Jurgen Klopp iyo ciyaartoyda kooxdiisa Reds ay bilaabayaan diyaar garowga xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Shqaalaha tababarka iyo Jürgen Klopp ayaa barri Melwood ku heli doona 16 xidig oo qaar badan oo ka mid ahi da’yarta yihiin kuwaas oo uu Klopp doonayo in uu tijaabo mariyo kulamada saaxiibtinimo ee xili ciyaareedka ka horeeya.

Xidigaha muhiimka ah ee barri Melwood ka soo xaadiri doona waxaa ka mid ah Fabinho, Joe Gomez, Matip, Oxlade-Chamberlain, Lallana iyo James Milner.

Laakiin waxaa sidoo kale liiskan ku jira da’yarka sida wayn loo qiimeeyo ee Brewster kaas oo isku diyaarinaya waqti aad waayihiisa ciyaareed muhiim ugu ah.

Saxiixa da’yarka ah ee Van Dern Berg ayaa markii ugu horaysay ka soo muuqan doona xarunta Melwood kaas oo ah xidiga kaliya ee ay ilaa hadda Reds la soo wareegtay.

Laakiin waxaa Liverpool ka sii maqnaan doona Mohamed Salah, Sadio Mane oo ka mid ah koobka qaramada Afrika, Alisson Becker iyo Roberto Firmino oo xulka Brazil la soo gaadhay finalka Copa America.

Waxa kale oo liiskan ka maqnaan doona Naby Keita oo ka soo kabsanaya dhaawac ku soo laba kacleeyay halka xidigo kale ay ka mid yihiin Jordan Henderson, Arnold iyo xidigo la mid ahi ay fasax maalmo dheeraad ah ku maqnaan doonaan.

Liiska Ciyaartoyda Barri oo Sabti Ah Ku Soo Laabanaya Melwood: Arroyo, Brewster, Clyne, Fabinho, Gomez, Kent, Hoever, Jones, Lallana, Matip, Milner, Oxlade-Chamberlain, Phillips, Van den Berg, Wilson, Woodburn.