Ciyaartoyda Barcelona Oo Qolka Labiska Kooxdooda Uga Hadlay Siyaasada Gooni Isku Taaga Catalonia Iyo Xidig Ka Mid Ah Oo Arintan Ka Hadlay.

Ciyaartoyda kooxda Barcelona ayay saamayn ku yeelatay aftidii dadwayne ee laga qaaday gobolka ay kooxdoodu ka dhisan tahay ee Catalonia waxayna siyaasada gobolkan iyo Spain ka dhexaysa kaga hadleen qolka labiska kooxdooda. Barcelona ayaa dhibane u soo noqotay rabshadihii booliiska Spain ay gaysteen maalintii aftida dadwayna laga samaynayay Catalonia iyaga oo Camp Nou oo madhan kula ciyaaray kooxda Las Palmas.

Goolhayaha xulka qaranka Germany iyo kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxdiisu ay qolka labiska kaga hadleen siyaasada Catalonia wuxuuna sheegay in qof kastaaba uu fikirkiisa ka hadlay isaga oo waliba soo qaatay in ay jiraan ciyaartoy ree Catalonia ah oo kooxda ka tirsan.

Marc-Andre ter Stegen ayaa yidhi: “Kooxdu waxay sidoo kale la tacaalaysaa dhibaatada xoriyada aftidii madax banaanida isla markaana waxa lagu falanqeeyay qolka labiska. Waxaanu haysanaa ciyaartoyda qaar halkan Catalonia ku dhashay. Qof kastaaba waxa uu ka hadlay fikradiisa iyada oo qof kastaaba uu ixtiraamayo fikrada kale”.

Marc-Andre ter Stegen oo ka sii hadlaya arintan ayaa yidhi: “Waxaan arkayaa iyaga oo igu xeeran isla markaana waxaan dareemay in dadka Catalonia ay u hanwayn yihiin waxayna doonayaan xoriyad laakiin sidoo kale waxaan arkay mudaharaad dad doonaya in ay Spain baaqi ku sii ahaadaan”.

Ugu danbayn Ter Stegen ayaa iska fogeeyay in uu go’aamiyo waxa ka dhacaya Catalonia wuxuuna yidhi: “Haddii aan anigu daacad ahaado ma haysto xukun cadaan ah ee ku aadan waxa dhacaya sababtoo ah waa arin aad u adag, waxaa waajib ah in wax badan la sameeyo iyo dareenka xoogan ee dad badan ka imanaya inkasta oo aan wax badan ka akhriyay”.

Comments

comments