CIID WANAAGSAN, CIID MUBAARAK! Kooxaha Waa Weyn Ee Yurub Oo Taageerayaashooda Ugu Hambalyeeyay Munaasabada Ciida Carafo

Asalaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatuhu, idilkiinba salaan akhristayaasha sharafta iyo xushmada naga mudanow, Ciid Mubaarkan, kulu caam wa antum bil khayr.

Dhamaan Shaqaalaha shabakada Gool24 oo isku duuban waxa ay ummada Muslimiinta ugu hambalyeeyneysaa munaasabada Ciidul Carafo ee Eid al Adha. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeeyneynaa ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan oo ay ka mid yihiin akhristayaasheena qiimaha iyo qaayaha leh.

Waxaan Ilaaheey ka baryeynaa inuu ciidaan ciideeda kale nagu gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo. Eid Mubarak! “Kul ‘am wa antum bi-khair!” (كل عام و انتم بخير)

Dhanka kale qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ayaa taageerayaashooda Muslimka ah u rajeeyay ciid wanaagsan, waxaa ka mid ah kooxaha Premier League ee Chelsea, Liverpool iyo Manchester City oo bogagooda bulshada ee Twitter iyo Facebook soo dhigay fariimo ku aadan hambalyada munaasabada ciida.

SIDOO KALE AKHRISO:  Cristiano Ronaldo Oo Banaanka Soo Dhigay Sababta Uu Uga Fiican Yahay Lionel Messi Iyo Inuu Isaga Yahay Xiddiga Abid Ugu Fiican K/Cagta

Sidoo kale kooxaha Juventus, AC Milan, Roma iyo Real Madrid ayaa iyagana ka mid ah kooxaha taageerayaashooda Muslimka ah u rajeeyay ciid wanaagsan.

Farxad iyo reyn reyn ku ciida dhamaan akhristayaasheena sharafta naga mudan.