“Cidaan Messi Ahayn Lacagtan Uma Qalanto” – Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Ka Qayliyay Mushaharka Ay Juventus Kula Heshiisay Ramsey

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa si weyn uga fal-celiyay mushaharka aadka u badan ee ay kooxda ree Talyaani ee Juventus kula heshiisay xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey oo ay suuqa xagaaga si xor ah kula wareegayso.

Ramsey ayaa toddobaadkii qaadan doona aduun dhan £400,000 inta uu ku jiro heshiiska afarta sano ah ee uu u saxeexay kooxda horyaalka Serie A sida laga soo xiganayo wariyaha BBC ee David Ornstein.

Jamaahiirta ayaa la yaabay inay lacagta intaa le’eg Juventus jeebka ugu shubayso Ramsey iyaga oo badhkood xusay in cid aan xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ahayn aysan lacagtaas mudnayn.

Halkan ayaan ku muujin doonaa badh kamid ah falanqaynta ay jamaahiirtu kasoo sameeyeen in Bianconeri ay lacagta intaas le’eg u qoreen Ramsey.

Taageeraha koowaad ayaa barta Twitter-ka kusoo daabacay “£400,000 kun oo toddobaadkii uu qaadanayo Ramsey miyaa? Jeeeez”

Taageeraha labaad ayaa raacsaday “Miyuu xataa kusoo bilaaban doonaa (Shaxda)? Lacag la qash-qashaaday”

Taageeraha saddexaad “Xataa haddii uu xor yahay, Juve ma siin doonto ciyaartoy £400,000 Ramsey mooyaane”

“Ma jiro ciyaartoy u qalma lacagta xadigan ah ilaa aad ka tahay Lionel Messi, Kaasi oo sida cad uusan ahayn”

Taageere kale ayaa ku andacooday “Juve ma garanayso waxa ay qiijinayso”