Christian Pulisic Oo Markii Ugu Horaysay Ka Soo Muuqday Xarunta Tababarka Chelsea Ee Cobham.

Xarunta tababarka kooxda Chelsea ee Cobham ayaa markii ugu horaysay lagu arkay saxiixa cusub ee Christian Pulisic.

Xidiga xulka qaranka Maraykanka ee Christian Pulisic oo ay Chelsea soo iibsatay suuqii bishii January ayaa soo macasaleemeeyay kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund oo uu amaah ku joogay qaybtii danbe ee xili ciyaareedkan.

Chelsea oo hadda isku diyaarinaysa finalka UEFA Europa League ayaa markii ugu horaysay kooxdeeda ku soo dhawaysay Christian Pulisic kaas oo fursad u haysta in uu daawado finalka Europa league ee Arsenal.

Christian Pulisic ayaa waqti la qaadan doona ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Chelsea isaga oo fasax kooban kaga jiri doona waajibaadka xulkiisa USA oo uu ku matali doono tartanka CONCACAF Gold Cup oo furmi doona June 15.

Chelsea TV ayaa waraysi la yeeshay Christian Pulisic wuxuuna ku sheegay in ay sharaf u tahay in uu yahay ciyaartoy kooxda Chelsea ka tirsan.

Christian Pulisic ayaa Chelsea TV u sheegay: “In aad noqoto ciyaartoy Chelsea ah waa sharaf wayn iyo wax aan anigu xaqiiqdii ku faraxsanahay”.

Xarunta tababarka Chelsea waxaa kala soo ka soo muuqday N’Golo Kante kaas oo farxad wayn u abuuray jamaahiirta kooxdiisa Blues isaga oo ka soo laabtay dhaawac looga walwalsanaa in uu ku seegi karayay finalka Europa League.

In N’Golo Kante ku soo laabtay xarunta tababarka Chelsea iyo in Christian Pulisic uu goobtan markii ugu horaysay soo gaadhay waxay noqdeen laba farxadood oo u kulmay jamaahiirta Blues.

Christian Pulisic ayaa Chelsea u noqon kara badalka tooska ah ee Eden Hazard kaas oo xagaagan loo ogolaan doono in uu Real Madrid ugu biiro 87 milyan gini sida ay sheegeen warar cusub oo ay warbaahinta England qoreen.

Waraysiga uu  Christian Pulisic siiyay Chelsea TV waxa uu ku cadeeyay in uu ku faraxsan yahay in uu ka garab ciyaari doono ciyaartoyda uu ka midka yahay N’Golo Kante.

Si kastaba ha ahaatee, Christian Pulisic ayaa si rasmi ah liiska ciyaartoyda Chelsea loogu dari doonaa xili ciyaareedka cusub ee Premier league iyo Champions League oo ay Blues u soo baxday.