Christian Pulisic, Mohamed Salah,Scott McTominay Iyo Liiska Dhaawacyada Kooxaha Waa Wayn Ee Premier League Iyo Waqtiyada Ay Soo Laaban Karaan.

Waxaa la soo gaadhay waqtigii loo firaaqayn jiray kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka kuwaas oo ciyaari doona kulamo tartamo iyo saaxiibtinimo iskugu jira laakiin waxaa jira xidigo badan oo Premier League ka ciyaara oo kulamada caalamiga ah seegaya.

Kooxaha Premier league waxaa dhaawacyo kaga maqan tiro badan oo ciyaartoy ah iyada oo gaar ahaan kooxaha waa wayn ee Premier League ay rajaynayaan in waqtiga kulamada caalamiga ah ay ciyaartoy dib u heli doonaan.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa liiska ciyaartoyda dhaawacyada kaga maqan kooxaha waa wayn ee Premeir League iyo waliba waqtiyada la filayo in ay soo laaban karaan.

Ma jirto koox ka mid ah lixda kooxood ee Premier League ugu waa wayn oo ayna ciyaartoy dhaawac kaga maqnayn laakiin waxay ku kala duwan yihiin tirada iyo waliba waqtiyada ay ciyaartoydu ka maqnaan doonaan.

Advertisements

Mohamed Salah, Christian Pulisic , Andy Robertson ayaa ka mid ah ciyaartoyda todobaadkan ku biiray liiska xidigihii kooxaha waa wayn dhaawaca kaga maqnaa.

Dhaawicii soo gaadhay Scott McTominay ayaa xaalada Manchester United ka dhigay kooxda ugu dhaawacyada badan marka la barbar dhigo kooxaha waa wayn ee Premier league iyada oo United ay 9 ciyaartoy ka dhaawacan yihiin.

Haddaba halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda dhaawacyada kaga maqan kooxaha waa wayn ee Premeir League iyo waqtiyada ay soo laaban karaan.

1-Chelsea – 5 Ciyaartoy oo dhawac ah

Ross Barkley (Muddada uu Soo Laabanayo: 23/11/19)

Ruben Loftus-Cheek (Muddada uu Soo Laabanayo: 14/12/19)

Antonio Rudiger (Muddada uu Soo Laabanayo: 14/12/19)

Marco van Ginkel (muddada uu soo labaan karo lama oga)

Christian Pulisic (hip – muddada uu soo laaban karo lama oga)

2-Tottenham Hotspur – 4 Ciyaartoy oo dhaawacan

Erik Lamela (Muddada uu Soo Laabanayo: 23/11/19)

Jan Vertonghen (Muddada uu Soo Laabanayo: 23/11/19)

Hugo Lloris (Lama oga mudda uu soo laabanayo)

Tanguy Ndombele (Lama oga muddada uu soo laabanayo)

3-Manchester City – 4 Ciyartoy Oo Dhaawacan

Ederson (Muddada uu Soo Laabanayo: 23/11/19)

Oleksandr Zinchenko (Muddada uu Soo Laabanayo: 07/12/19)

Leroy Sane (Muddada uu Soo Laabanayo: 18/01/20)

Aymeric Laporte (lama garanayo muddada uu soo laabanayo)

Advertisements

4-Manchester United – 10 Ciyaartoy oo Dhaawacan

Diogo Dalot (Muddada uu Soo Laabanayo: 24/11/19)

Nemanja Matic (Muddada uu Soo Laabanayo: 24/11/19)

Luke Shaw (Muddada uu Soo Laabanayo: 24/11/19)

Axel Tuanzebe (Muddada uu Soo Laabanayo: 24/11/19)

Paul Pogba (Muddada uu Soo Laabanayo: 07/12/19)

Eric Bailly (kMuddada uu Soo Laabanayo:15/12/19)

Timothy Fosu-Mensah (Lama garanayo waqtiga uu soo laaban karo)

Angel Gomes (Lama garanayo waqtiga uu soo laaban karo)

Scott McTominay (Lama garanayo waqtiga uu soo laaban karo)

Advertisements

5-Liverpool – 5 Ciyaartoy Oo Dhaawacan

Joel Matip (Waqtiga uu soo laaban karo: 23/11/19)

Xherdan Shaqiri (Waqtiga uu soo laaban karo: 23/11/19)

Nathaniel Clyne (Lama garanayo waqtiga uu soo laaban karo)

Mohamed Salah (Wali lama oga muddada uu maqnaan karo)

Andy Robertson (Wali lama oga muddada uu maqnaan karo)

6-Arsenal – 1 Ciyaartoy ayaa ka dhaawacan

Dani Ceballos (waqtiga uu soo laaban karo: 21/11/19)

Advertisements