Chris Smalling Oo U Muuqday Mid Qabsaday Shaqadii Uu Kusii Hanjabayay Kahor Kulankii Barcelona & Xogtii Ugu Horreysay Ee Kasoo Baxday Dhaawacii Uu U Geystay Lionel Messi.

Daafaca kooxda Manchester United ee Chris Smalling ayaa u muuqday mid ka dhabeeyay qaab ciyaareedkii uu kusii goodiyay kahor kulankii ay wajaheen Barcelona xalay walow kooxdiisa guul 0-1 ah laga gaadhay.

Smalling ayaa kulanka kahor sii sheegay in ay jiraan meelo uu ka liito Messi isla markaana uu isaga kaliyo og yahay waxaana uu kulankaas ku gaadhsiiyay dhaawac halis ah oo kabtanka Barcelona dhiiig badan ka keenay sankiisa.

Hadalka Smalling ee kulanka kahor ayaa u dhignaa sidan  “Waxa jirtaa meel uu ka liito Messi taas oo aan aniga kaliyi wax ka garanayo, Anigu ma filayo in dunidu ay taas ka warqabto sidaa darteed anigu kama hadlayo midaas hadda”

Marka laga yimaado dhaawaca uu Smalling geystay, Qaab ciyaareedka guud ee daafacan ree England ayaa ahaa mid wanaagsan isaga oo in badan kubadda kula dagaalamay Messi iyo Suarez.

Haddaba, Kaddib halista soo gaadhy Messi ayuu tababaraha kooxdiisa ee Ernesto Valverde sheegay inuu jiro dhiig fadhiistay (Xinjir) wajiga Messi isla markaana qiimayn lagu samayn doono maanta oo Khamiis ah.

Valverde oo ka warramaya dhibaatada kabtanka kooxdiisa gaadhay ayaa yidhi “Messi waxa uu leeyahay xinjir xun, Waxa uu la kulmay darbad weyn, Waa inaanu eegno sida uu yahay”

Dabcan dhaawacan ayaa la filayaa inuusan noqon mid Messi seejiya wax kulan ah oo uu si buuxda diyaar ugu noqon doono kulanka horyaalka ee toddobaadkan iyo lugta xigta ee ay isla Manchester ku qaabili doonaan Camp Nou Salaasada dambe.