Chelsea Oo Weerar Ku Qaadday Manchester United & Laacib Mustaqbalka Wax Badan Loo Saadaalinayo Oo Ay Qarka U Saaran Tahay Inay Soo Qaadato

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa rumaysan inay aad ugu dhowdahay inay gacanta ku dhigto da’yarka Manchester United ee Angel Gomes.

19 jirkan khadka dhexe ee ka tirsan xulka England ee ay da’dooodu ka hoosayso 20 jirka ayaa waxa uu shaqaalaysiiyey wakiilka caanka ah ee Pni Zahavi oo xiddhiidh wanaagsan la leh Agaasimaha iibka u qaabilsan Chelsea ee Marina Granovskaia.

Gomes oo uu heshiiskiisa uu kula jiro Manchester United uu dhamaanayo bisha dambe ayaa waxa uu iska diiday qandaraas cusub oo ay Red Devils usoo bandhigtay oo usbuucii uu ku qaadanayo mushahar dhan £30,000, laakiin wali United ayaa rajaynaysa in ay muddada kooban ee ay haysato ay isku dayi doonto inay ku qanciso inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, hase yeeshee dhibaatada ay la kulmayso ayaa waxay tahay in da’yarkani uu doonayo inuu kooxda koowaad ka ciyaaro, iyadoo uu tababare Ole Solskjaer lix kulan oo kaliya ciyaarsiiyey.

Lampard oo muddadii sannadka ahayd ee uu joogay Chelsea kooxda koowaad usoo dallacsiiyey ciyaartooyo badan sida Mason Mount, Fikayo Tomori iyo Reece James ayaa waxa uu ku qancinayaa Gomes in sida uu ula dhaqmay laacibiintaas ay qaarkood isku da’da yihiin uu isagana ka yeeli doono oo uu fursad siin doono, si uu iskugu muujiyo kooxda koowaad.

Gomes oo ka mid ahaa xiddigihii da’yarta ee England u qaaday Koobkii Adduunka 2018 ee U19, ayaa waxa Red Devils ay jeclaan lahayd in sida Tahith Chong uu mustaqbalkiisa u hibeeyo Old Traffford, balse waxa kaliya oo ay fursad u haystaan inta laga gaadhayo dhamaadka bisha June, markaas oo wixii ka dambeeya uu si xor ah uga tegi doono.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook