Chelsea Oo Waji Gabax Wayn Kala Soo Kulantay AS Roma, Stephan El Shaarawy Oo Laba Gool Dhulka Ku Jiiday Blues Iyo Roma Oo La Wareegtay Hogaankii Group C.

AS Roma ayaa guuldaro waji gabax ah soo baday kooxda Antonio Conte ee Chelsea. Kooxda koobka horyaalka Premier leaque difaacanaysa ee Chelsea ayaa ceeb kala soo laabtay caasimada Talyaaniga ee Rome kadib markii ay ku hor kuftay kooxdii barbaraha 3-3 ga ahaa Stamfrod Bridge kula soo gashay ee Roma.

Stephan El Shaarawy ayaa laba gool dhulka ku dhigay Chelsea laakiin Diego Perotti ayaa qaybtii danbe ee kulankan israaciyay wixii ka hadhsanaa Chelsea waxayna Roma heshay saddex dhibcood oo dahabi ah iyada oo waliba sabab cad u noqtay in Chelsea ay ka hor joogsatay wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque waana sidoo kale Blues kaga murugo badan in Roma ay la wareegtay hogaanka Group C.

Chelsea ayay qaybtii hore ee kulankan u ahayd mid dhibaato badan iyada oo natiijo ahaan markiiba lumisay waxayna fursad wayn siisay AS Roma oo aan waqti badan ku lumin in ay Antonio Conte iyo kooxdiisa waqti adag mariso. Chelsea ayaa doonaysay inay soo guulaysato si ay wareega 16 ka kooxood ugu soo baxdo ee UCL laakiin AS Roma ayaaba doonaysay in ay hogaanka Groupka kala wareegto BLues.

DAQIIQADII 1 AAD AS Roma ayay ku qaadatay 38 ilbidhiqsi oo kaliya in ay la timaado goolkeeda furitaanka kulankan kadib markii uu Stephan El Shaarawy uu gool cajiib ah kaga yaabsaday Courtois oo kooxdiisa Blues isaga oo kubbad uu ka helay Edin Dzeko si qurux adan ugu darbeeyay goolka Chelsea wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka ay xaalada Blues markiiba ku sii adkaatay iyada oo ciyaartu noqotay 1-0 ay Roma markiiba goolka furitaanka ku heshay.

Chelsea ayaa goolka markiiba looga naxsaday kaga jawaabtay fursad abuuris fiican iyo waliba dadaal wayn oo ay ugu jirtay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd balse kooxda martida loo ahaa ee Roma ayaa isku waday difaacasho adag iyo waliba sidii ay goolka labaad ku heli lahayd.

DAQIIQADII 25 AAD Alvaro Morata ayaa kooxdiisa ka lumiyay fursad ay ahayd in uu goolka barbaraha ku dhaliyo isaga oo u baahnaa in kubbada uu dhaafiyo goolhaye Alisson oo kaliya laakiin goolhayaha Roma ayaa si deg deg ah u jawaabay si uu kooxdiisa hogaanka ugu ilaaliyo isla markaana uu Morata uga beeniyo fursad gool dhalineed.

DAQIIQADII 36 AAD AS Roma ayaa heshay goolkeeda labaad kadib markii uu difaaca Chelsea ku fashilmay in ay ka soo baxaan waajibaadkii uu Antonio Conte u xilsaaray iyada oo waliba xidigii hore ee Roma ee Antonio Rudiger uu ku fashilmay in uu kooxdiisa Blues halista ka ilaaliyo laakiin qaladkan waxaa gookiisa labaad ee ciyaarta uga faa’iidaystay Stephan El Shaarawy kaas oo markan natiijada ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Roma hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 44 AAD Chelsea ayaa heshay laba fursadood oo xidhiidh ahaa iyada oo marka hore Marcos Alonso uu goolhaye Alisson ku qasbay in uu gool badbaadin sameeyo laakiin koorne ay Blues soo tuuratay ayuu Bakayoko u muuqday in uu ku dhalinayo goola furitaanka Blues laakiin darbadiisa ayaa birta wax yar dulmartay.

Wax walba oo ay Chelsea qaybtii hore ee ciyaarta samaysay waxay awoodi wayday in ay wax gool ah ka dhaliso AS Roma oo waqtigii nasashada baxday iyada oo 2-0 hogaanka ciayarta ku haysa isla markaana Blues hogaankii Groupka kala wareegtay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea soo laabtay iyada oo doonaysay in ay ka soo kabsato waji gabixii ay la kulantay qaybtii hore ee ciyaarta wuxuuna Antonio Conte kaydka uga yeedhay Willian isaga oo ciyaarta ka saaray Gary Cahill mar haddii ayna jirin wax uu difaacdaa.

DAQIIQADII 63 AAD AS Roma ayaa heshay goolka ay ku sii niyadjabisay dadaalkii ay Chelsea waday waxaana goolka saddexaad Blues ugu qubeeyay Perotti kadib markii uu Fabregas kubbad khadka dhexe ugu lumiyay  Kolarov kaas oo sameeyay caawinta goolka saddexaad ee Roma waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Roma ku dubanayso Chelsea.

intaa wixii ka danbeeyay waxay ciyaartu noqotay mid lagu kala calaf qaaday isla markaana ay Chelsea ka quusatay inay soo laabankarto balse wali dadaalka labada kooxood ayaa sii waday in ay natiijada ciyaarta wali wax ka badali karaan iyada oo Roma raadisay goolka afraad.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay AS Roma ku soo ceebaysay kooxda Antonio Conte ee Chelsea isla markanaa ay Blues ugu diiday in ay kulankan ugu soo baxdo wareega 16 ka kooxood ee Champions Leaque. Guuldarada Chelsea soo gaadhay ayaa sidoo kale keentay in Roma ay hogaanka Group C la wareegto.

Comments

comments