Chelsea Oo Niyad-jab Kala Kulantay Tababarihii Beddeli Lahaa Antonio Conte

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku guul-darraysatay inay hesho tababarihii beddeli lahaa Antonio Conte ee Maurizio Sarri, kaas oo go’aansaday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Napoli.

Sarri oo lala xidhiidhinayey Chelsea, isla markaana warbaahintu qoraysay inuu noqonayo beddelka Conte, ayaa waxa uu Arbacadii wada-hadallo heshiis kordhin ah la yeeshay madaxweynaha Napoli, Aureli De Laurentiis, halkaas oo ay iskula qaadaa dhigeen qaabka uu noqonayo heshiiska cusub iyo qodobbada qalinka lagu adkaynayo.

Sarri ayaa hore u sheegay inuu ka niyad jabay ciyaarta Talyaaniga, hase yeeshee, waxay Napoli xili ciyaareedkan noqotay naadiga kaliya ee horyaalka kula tartamayey Juventus, taas oo go’aankii uu kaga tegi lahaa wax ka beddeshay.

Sida ay sheegayaan warar laga helay waddanka Talyaaniga, Sarri oo ay si dhow ula socotay Chelsea ayaa maalmaha soo socda qalinka u qaadan doona heshiis cusub, waxaana ay taasi dhaawac ku tahay Blues oo ku xisaabtamaysay.

Tababaraha hadda ee Chelsea, Antonio Conte ayaa la filayaa inuu shaqada ka tago kaddib ciyaarta finalka FA Cup ee Manchester United ay iskaga hor iman doonaan, waxaana murashaxa koowaad ee hadda beddelaya loo arkaa inuu yahay Luis Enrique maadaama uu Sarri bannaanka iska dhigay qorshaha Chelsea.