Chelsea Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqonaysa Qorshaha Ay Maamulka Real Madrid Ku Doonayaan Antonio Conte & Blues Oo Dhibaatadii Ay Maurizio Sarri U Mareen Ka Jaraya Los Blancos.

Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay markeeda dhibaatayso dhigeeda Real Madrid waxaana ay markan doonayaan inay qasaan qorshaha ay kooxdaasi ku doonayso inay magacawdo tababarihii hore looga caydhiyay shaqada Chelsea ee Antonio Conte.

Real ayaa dhexda kaga jirta xaalad murugo leh kaddib markii ay shantii kulan ee ugu dambeeyay wax guul ah gaadhi waayeen waana xaalad shaqo ka caydhin u horseedi karta tababaraha kooxdaas ee Julen Lopetegui.

Wargeyska ree Talyaani ee Corriere dello Sport ayaa ku warramaya in Madrid ay doonayso inay 47 jirkan ka dhigato bedelka tababare Lopetegui balse ay ugu horrayn u baahan doonaan inay la xaajoodaan Chelsea oo xaq u yeelan doonta 9 Milyan oo uu tababaruhu ku qaatay halkii sano ee qandaraaskiisa ka hadhsanaa.

Chelsea ayaa hore xaaladan ugu soo dhibtootay kaddib markii ay kooxda Napoli ku adkaysay saxeexa Maurizio Sarri kaas oo ay ugu dambayn Chelsea ku qasbanaatay inay ka bixiso 4.4 Milyan si ay kooxdeeda ugu magacawdo.

Xaalada Antonio ayaa ah mid la siman midii Sarri ee bilo kahor waxaana la filayaa in Blues ay wada-xaajood xeeladaysan markooda la yeeshaan kooxda Real isku dayaan sidii ay lacag ugu heli lahaayeen tababarahan ay caydhiyeen.

Los Blancos ayaa haddiiba ay ku adkaato bixinta dalabaadka Chelsea waxa ay u leexan doonaan tababarayasha kale ee la heli karo oo ay ugu horreeyaan tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger iyo tababaraha xulka Germany ee Joachim Low.