Chelsea Iyo Juventus Oo Ugu Dambayn Ku Heshiiyay Maurizio Sarri & Macalinka Cusub Ee Chelsea Laylin Doona Oo La Saadaaliyay.

Kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis buuxa ka gaadheen arrinta tababare Maurizio Sarri kaas oo haatan qarka u saaran ku laabashada horyaalka Talyaaniga si uu ula wareego xilka tababarenimo ee Juve.

Warkan ayaa imanaya xilli Sarri uu kaliya hal xilli ciyaareed kusoo qaatay Chelsea isaga oo ku hoggaamiyay booska saddexaad ee Premier League, Final-ka Carabao Cup iyo hanashada UEFA Champions League.

Waa xilli ciyaareed wanaagsan oo ay soo qaadatay Chelsea balse xaqiiqada ayaa ah in qaar badan oo kamida jamaahiirta kooxdaasi aysan la dhacsanayn taatikada iyo bandhigii tababarahan ee Stamford Bridge.

Dhacdooyin ay kamid tahay midii Kepa Arrizabalaga ee Wembley ayaa cadeeyay sida uusan Sarri si buuxda gacanta ugu haynin safka kooxdiisa isagoo sidoo kale aan marnaba falsafadiisa si dhammaystiran uga hirgalin Chelsea.

Juventus ayaa haatan ah kooxda ugu cad cad ee uu u wareegi karo Sarri kaddib markii ay fasaxeen Massimiliano Allegri waxaana ay isha la raacayaan 60 jirkan oo ah mid khibrad weyn u leh Serie A.

Wararka xanta ah uu ku saabsan Sarri ayaa ahaa kuwo wareegayay maalmo iyo toddobaadyo balse haatan warkii ugu weynaa ayaa kasoo baxay kanaalka Sky Sports oo sheegay in labada kooxood ay heshiiyeen.

Waxa adkeeyay heshiis dhex mara Juventus iyo Chelsea ayaa ah in Maurizio uu ku jiro wakhtiyadiisii ugu horreeyay ee heshiiskiisa Blues.

Wariye Jason Burt oo ka hawl gala The Telegraph ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku yidhi “Sarri waxa uu noqon doonaa tababaraha xiga ee Juventus, Heshiiskii ayaa la isku raacay iyadoo Chelsea ay helayo ilaa 10 Milyan oo magdhow ah.

Dhinaca kale warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Chelsea ay tababaraha xiga ee kooxdeeda u magacaabi doono halyeeygeeda Frank Lampard kaas oo noqon doona macalinkii ugu horreeyay ee England ah ee Blues layliya mudo 23 sano laga joogo.