CHAMPIONS! Bayern Munich Oo Qalbi Jabkii Liverpool Oo Kale Ku Riday Borussia Dortmund Iyo Bavaria Oo Markii 7-Aad Oo Xidhiidh Ah Hantay Bundesliga.

Bayern Munich ayaa markii todobaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka horyaalka Jarmalka ee Bundesliga kaas oo ay ku garaacday Borussia Dortmund.

Bayern Munich ayaa ka soo kabsatay dhibco badan oo ay Borussia Dortmund inta badan xili ciyaareedkan ku soo haysay hogaanka Bundesliga waxayna Bayern Munich muujisay sida ay khibrada tartankani u caawisay.

Kadib markii ay Bayern Munich si murugo badan leh uga soo hadhay tartanka Champions League oo ay Liverpool garoonkeeda Allianz Arena ku reebtay, waxay awooda iskugu geyeen koobka horyaalka Jarmalka.

Bayern Munich ayaa kulankii ugu danbeeyay xili ciyaareedka Bundesliga waxay xasuuq 5-1 ay u gaysatay kooxda  Eintracht Frankfurt  wuxuuna ahaa kulan khaas u ahaa Franck Ribery iyo Arjen Robben.

Labada xidig ee Franck Ribery iyo Arjen Robben  oo ciyaaray kulankoodii ugu danbeeyay ee Bayern Munich ayaa shabaqa soo wada taabtay si ay koobka horyaalka ugu gacan galiyay kooxda ay macaslaameeyeen.

Kadib sanado badan oo ay heerka ugu sareeya Bayern Munich ugaga soo ciyaareen horyaalka Jarmalka iyo Yurub, Franck Ribery iyo Arjen Robben ayaa guul layaableh ku calaamadiyay bixitaankooda Allianz Arena.

Inkasta oo xili ciyaareedkan la filayay in Borussia Dortmund ay si xarago leh ugu guulaysanayso koobka horyaalka markii ay dhibcaha 10 ka ku dhow hogaanka ku hayeen, haddana ay la kulmeen isla qalbi jabkii Liverpool ay kala kulantay Premier league oo kale.

Xidigo badan oo Bayern Munich ah oo ay ka mid yihiin Franck Ribery iyo Arjen Robben  ayaa ciyaaray kulankoodii ugu danbeeyay ee Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, wiilasha tababare Niko Kovac ee Bayern Munich ayaa xasuuq ayn u gaystay  Eintracht Frankfurt  si ay koobkii 7 aad ee Bundesliga oo xidhiidh ah ugu guluaystaan.