CEEB: Jose Mourinho Oo Ceeb Kale Usoo Jiiday Kooxdiisa Man United & Hadalo Uu Yidhi Kahor Kulanka Juventus Oo Sumcad Xumo Weyn Ku Ah Red Devils.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa markale u muuqda mid dood kulul ka dhex samaysanaya jamaahiirta kooxdiisa kaddib hadal kale oo uu ku dhaawacay sumcada kooxda kahor kulanka caawa ee Juventus.

Man United ayaa haatan booska labaad ka fadhida miiska kala sarreynta Group-kooda waxaana ay ka hooseeyaan Juve oo guulo 100% ku naaloonaysa ilaa haatan.

Haddaba, Hadalka uu Mou ku dhaawacay sumcada kooxdiisa ayaa ah inuu xilli horeba iska dhiibay kulanka ay Juve la yeelanayaan caawa isla markaana ay muhiimada siinayaan kulamada Valencia iyo Young Boys oo uu u arko inay ku xidhnaan doonaan haddiiba ay usoo baxayaan wareega xiga.

Mourinho ayaa yidhi “Berrito (Maanta) waa kulan weyn laakiin kulan muhiim ah nooma aha anaga, Waxaan filayaa in natiijadu tahay mid ka madax banaan, Kulamadayada xiga ee Valencia iyo Young Boys ayaa ah kulamada qeexaya haddii aan kusoo baxayno booska labaad iyo haddii aan Europe League aadayno”

“Sidaa darteed Arbacada waa kulan aan doonayno inaan guuleysano, Waxaan doonaynaa inaan tartano, Maaha guuldaro balse waxaan rabnaa inaan ciyaarno, Waxaan filayaa in khibrada ugu fiican ee kooxi hesho ay tahay marka ay ka horjeedo kooxaha dhab ahaantii halka sarre jooga waxaanan haysanaa fursadaas”

“Muhiim maaha waxa ka dhaca halka (Garoonka Juve) amaba Valencia, Wali waxaan haysanaa laba kulan oo kale oo aan kusoo baxno, Sidaa darteed waxaan filayaa inaan u dagaalami doono inaan soo baxno ilaa kulanka ugu dambeeya”

Hadalada kasoo yeedhay Special One ayaa ah kuwo ay ka muuqato hami yaraan kooxdiisa ku dhacday iyo tartankii la filayay inay la galaan Bianconeri oo u muuqda mid loolanka kaalinta labaad isku bedelay.